U bood dhigaalka

OCHA Oo Ka Deyrisey Xaaladda Dadka Ku Nool Deegaannadii Ay Faarujiyeen Ciidanka Itoobiya

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobaay ayaa waxay ka deyrisey xaaladda ay ku nool yihiin dadka ku sugan degmooyinka iyo deegaannada dhowaan ay ka baxeen ciidanka Itoobiya, islamarkaana ay halkaasi dib u qabsadeen Xarakada Al-shabaab.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Bini’aadannimada OCHA ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dadkaasi yihiin kuwo aad u dhibaateysan, islamarkaana ay hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah, oo ay kamid yihiin waxbarashada, caafimaadka, hoy iyo sidoo kale biyo ku filan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in meelaha xaaladaha adag ay ka jiraan ay kala yihiin Tiyeeglow, Galcad, Moqokori, Buur Dhuxule, Garasweyne, Ceel Cali, iyo Rabdhuure, waxaana ay ka kala tirsan yihiin gobollada Hiiraan, Bakool iyo Galgaduud.

Ciidamada Itoobiya ayaa deegaannadan iney ka baxaan billaabey tan iyo bishii July 2016, waxayna OCHA sheegtay in dadka qaar ay xaalado bini’aadannimo halis ugu jiraan.

Dadkaan ku sugan deegaannadan ka sokow waxay hay’adda sheegtay iney jiraan dad ka barakacay deegaannada ay ka baxeen ciidamada Itoobiya, hadane ku dhibaateysan deegaanno halkaasi ku dhow oo aaney ku haysan nolol wanaagsan.

OCHA waxay hoosta ka xariiqdey iney muhiim tahay in gargaar ay helaan dadkaan, iyadoo hay’adihii samofalka ah ay ka tageen deegaannada ay ciidanka Itoobiya ka baxeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan billaabey iney ka baxaan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobollada dalka, waxaana deegaannadaasi kusoo laabtey Al-shabaab.

Goobjoog News