U bood dhigaalka

OCHA Oo Walaac Ka Muyujisey Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirka arrimaha bini’aadannmida OCHA ayaa walaac ka muujisey abaaraha ka jira qaar kamid ah gobollada Soomaaliya.

OCHA ayaa sheegtay in Lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay jirtey koror ku yimid xadiga abaarta Soomaaliya, sidoo kalena ay soo bateen dadka ka cabanaya raashiin la’aan 20%.

Sidoo kale waxay sheegtay OCHA iney jiraan caruur badan oo nafaqo daro ku haysato Soomaaliya,  kuwaasi oo u baahan gurmad dhan walbo leh.

Waxaa la sheegay in ku dhowaad 320,00 oo carruur ah ay qarkja u saaran yihiin iney u dhintaan cuduro ka dhashay abaarta, iyadoo 50,000 oo kalena la sheegay iney la il daran yihiin nafaqo darri baahsan.

Inta badan gobollada dalka waxaa hadda laga soo sheegayaa abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Goobjoog News