U bood dhigaalka

Oday Soomaaliyeed Oo Raadinaya La Kulanka Obama, Sabab?

Sheeko:Dalka

Maxamed Xasan Muumin oo ka tirsan odoyaasha Wajir, ee waqooyi bari ee dalka Kenya, kaas oo 2006dii dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed u labisay Barack Obama ayaa doonaya inuu mar kale la kulmo.

Obama oo hadda booqasho ku jooga Kenya, waxaa uu shalay la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, isaga oo kadib sii aadey goobta aabihii ka soo jeedo ee  K’Ogelo.

“Waxaan u duceeyay Mr Obama isaga oo   senator ah, waxuu noqday madaxweynaha Mareykanka 2 jeer, hadda waxaan ugu duceynayaa inuu hogaamiyo nabadda caalamka, gaar ahaan dalalka dhibaatada ka jirto ee Syria, Palestine, Afghanistan, South Sudan iyo Somalia,” sidaas waxaa wargeyska Nation u sheegay Muumin.

Dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee Obama uu labistay 2006dii, dadka ka soo horjeeda waxaa ay u adeegsadeen daacayad iyo inuu sida Bin Ladin u labistay.

Goobjoog News