U bood dhigaalka

Odayaal Dhaqameed Lagu Dilay Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa ku waramaya in maanta iyo xalay deegaanno ka mid ah gobalkaasi, gaar ahaan ku dhaw xadka Kenya lagu dilay Laba Oday dhaqameed.

Dabley Hubeysan ayaa siyaabo kala duwan ugu dishay Odayaashaan deegaanno hoostaga degmada Baladxaawo, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Odayaasha la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Xaaji Khamiis Daa’uud Mahdi iyo Xasan Cabdi Daa’uud, waxaana dilkooda dadkii ka dambeeyay la sheegay in dhanka Xadka Kenya ay kasoo talaabeen.

Ehlada Odayaashan la dilay ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay la dhacsan yihiin falkaan dhacay, islamarkaana aanay isku mashquulin qabashada ragii dilalka ka dambeeyay oo gudaha Kenya ku baxsaday.

Illaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay waxgaradkan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalkaasi.

Goobjoog News