U bood dhigaalka

Odayaal Ku Kulmay Degmada Buuloburde Oo Cabasho Ka Muujiyay maamulka degmadaasi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan waxaa kulan ku yeeshay Odayaal dhaqameed sheegay in xilligaan ay aad uga cabanayaan gudoomiyaha degmadaasi.

Odayaashaan waxa ay tilmaameen in shacabkii ku dhaqnaa degmadaasi ay baaba’een islamarkaana aanu jirin maamul dadkii isku keena misane wax u qabta waa sida ay hadalk u dhigeene.

Mid ka mid ah waxgaradkaan kulanka yeeshay ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ay sameysteen gudoomiye KMG ah, islamarkaana ay ugu tala galeen in bulshada uu isku keeno misane kii wax haysta uu wax ka qaado si dadka kale loogu gurmado.

“Kulankeena waxa uu ahaa sidii wax loogu qaban lahaa dadkaan baaba’ay qaarkoodna bararay, maadaama aynu nahay dad go’doon ku jira, sidoo kale waxaan ka hadalnay sidii dadkaan loo dhex gali lahaa, kii wax haystana wax looga soo qaadi lahaa si shacabka loogu gurmado, mas’uul KMG ah ayaan haysanaa waana nin dhiig joojin ah inta dowladda ay naga soo gaarayso, gudoomiyahii kale dhibaato ayuu ka taliyay”

Dhibaatooyin xagga nolosha ah ayaa ka taagan degmada Buuloburde, waxaana dhamaan wadooyinka degmadaasi gala jaray Xarakada Al-shabaab, iyadoo dadka xaalad halis ah ay ku jiraan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News