U bood dhigaalka

Odayaasha Dhaqanka Oo Bayaan Ka Soo Saaray Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Waxaa bayaan ay uga hadlayaan doorashada maamulka Galmudug maanta soo saaray odayaasha dhaqanka maamulkaasi iyaga oo dalbaday in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo, xilli laga cabsi qabo in uu dib u dhac ku yimaado doorashadaasi.

Odayaashaan, ayaa warmurtiyeedkooda ku cadeeyay in aan loo baahnayn dib u dhac kale iyaga oo dowladda Federaalka ka codsaday in si dhow ay ula shaqeyso baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Sidoo kale waxgaradkan, ayaa baaq u diray beesha caalamka, waxa ayna ka dalbadeen in beesha caalamku taageerto dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Ugu dambeyn  waxaa  ay baaq u jeediyeen murashaxiinta xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkaba in ay ka qeyb qaataan doorashada, islamarkaana ay ka fogaadaan waxkasta oo carqalad ku keeni kara doorashada Galmudug.

Halkaan ka akhriso warka ay soo saareen odayaasha dhaqanka Galmudug:

Goobjoog News