U bood dhigaalka

Wax-garadka soo jeeda gobollada dhexe oo cadaalad darro ku tilmaamay maamulka loo sameynayo gobolada dhexe(Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Kulan ay maanta Muqdisho isugu yimaadeen odoyaal iyo siyaasiyiin ka tirsan beel ka tirsan beelaha Somaliyeed ee wax ka dega gobollada dhexe ayaa waxa ay kaga soo hor jeesteen habka ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay u martay maamul u sameynta goboladda dhexe ee dalka.

Ka soo qeyb galayaasha kulanka ayaa dowladda federaalka waxa ay ka codsadeen in dib u eegis ay ku sameyso habka uu ku socdo shirka lagu mideynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Caaqil Cabdullaahi Cali oo ka mid aha masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa ku tilmaamay qaabka ay dowladda Federaalka Soomaaliya wax u wado mid aan lagala tashan.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa waxaa ka soo baxay war murtiyeed uu aqriyay Cumar Cali Shaambi.

Odayaasha ka soo jeeda beeshan ee ka cabanaya cadaalad darrada ayaa qeyb ka ah maamullada gobolada Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Hoos ka dhageyso codka Cumar Cali Shaambi: