U bood dhigaalka

Odowaa: Ma Jirto Sabab Aan Midkood Ugu Hambalyeeyo

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka mid ahaa murashaxiintii u taagnayd qabashada xilka madaxweyne ee Galmudug balse iska diiday in uu ka qeybgalo ayaa ka dhawaajiyay in aysan jirin sabab uu ugu hambalyeeyo madaxda loo doortay Galmudug.

“Cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo” ayuu yiri Odowaa

Dhanka kale Xildhibaan odowaa ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu dadka dulmiyo kadibna dadka uu ku qasbo in ay dulmigaas aqbalaan.

Sidoo kale Xildhibaan Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaarihiisa ay madaxwene ka barbar dhiseen kii sharciga ahaa ee maamulka Galmudug.

“Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay, sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Odowaa oo sii hadlayay ayaa sheegay In uusan marqaati beenaale ka noqon doonin Galmudug taa badalkeedana uu mar kale ka shaqeyn doono baadi goobka sidii uu isugu keeni lahaa dadka sida uu sheegay ay Villa Soomaaliya kala geysay.

Xildhibaanka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen”

Hadalka Odowaa ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli murashaxiintii isaga ku fikirka ahayd ay soo dhoweeyeen madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Goobjoog News