U bood dhigaalka

Odowaa oo Dalbaday in Xuriyadiisa La Siiyo Weriye Cabdicasis Gurbiye

Sheeko:Amniga

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa ayaa qoraal uu goordhow uu soo dhigay bartiisa Faceboogga ku dalbaday in hey’adaha garsoorka ay si degdeg ah xuriyadiisa u siiyaan agaasime ku-xigeenka Goobjoog ahna tifaftiraha guud Cabdicasiis Axmed Gurbiye, kaas oo lagu wado in barri uu ka soo muuqdo Maxamadda Gobolka Banaadir.

                                                    Halkaan Ka Akhriso:

“Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Berri oo Talaada ah waxay U fadhiisan doontaa qaadista kiis dacwadeed ay Villa Somalia ku so Oogtay Wariye Abdiaziz Gurbiye.
Kiis kaan iyo kuwa la mid ka ah ee lagu beegsanayo saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta madaxa banaan waa mid cabsi galin ah, laguna caburinayo saxaafada iyo Suxufiyiinta ku shaqeeya xaalad adag.

Hay’adaha Garsoorka Dalka Waxaa looga fadhiyaa cadaalad Fal buuxda iyo in aysan noqon gacan laanta fulinta ay ku adeegato gacan ka mid ah, sido kale na loo siiyo xuriyadiisa si degdeg ah oo Shuruud la’aan ah, iyada oo la xeerinayo shuruucda dalka ee u damaanad qaadaysa xuriyad hadalka”.

Goobjoog News