U bood dhigaalka

Odowaa Oo Eedeeyay Farmaajo Iyo Kheyre

Sheeko:Dalka

Murashax Cabdiraxmaan Odowaa ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay madaxda ugu sareysa ee dalka isaga oo tilmaamay in Galmudug ay yeelato seddex madaxweyne ay masuuliyadeeda qaadayaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre.

“In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen in ay Galmudug ka sameystaan maamul ay iyagu soo xuleen” ayuu yiri Odowaa.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ugu baaqay waxgaradka, odoyaasha dhaqannka, saamileyda siyaasadeed iyo seddexda garab ee ay u qeybsantahay Galmudug in ay isugu yimaadaan sidii loo dhisi lahaa hal maamul oo loo dhanyhay.

Odowaa oo baaqaasi diraya ayaa yiri “Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee ree Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsanthay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa”

Hadalka Odowaa ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maanta Galmudug ay yeelatay seddex madaxweyne, waxaana arrinkaas walaac ka muujinaya bulshada qeybaheeda kala duwan.

Goobjoog News