U bood dhigaalka

Odoyaal Ku Wajahnaa Dhuusamareeb Oo Maanta Ishor Istaag Lagu Sameeyay

Sheeko:Amniga

Odoyaaal ka ambabaxay magaalada Gurcieel ee gobalka Galgaduud islamarkaana ku wajahnaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa ishor istaag ku sameeyay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Sida aan xogta ku helnay maanta waxaa magaalada Dhuusamreeb ku madalsanaa Madaxweynaha garabka Ahlu sunna ee Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo odoyaasha beesha Cayr, balse ciidamo ka tirsan nabad sugidda Soomaaliya ayaa odoyaashan ku celiyay meel u dhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamreeb.

Odoyaashan oo markii la celiyay ka dib shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladdu ay si xun ula dhaqantay, waxa ayna xuseen in xitaa qaar ka mid ah odoyaasha ay jir dil u geysteen askartii maanta ka celisay in ay gaaraan magaalada Dhuusamreeb.

Sidoo kale odoyaashan ayaa waxa ay tilmaameen in xitaa la isku dayay in la celiyo haween iyaguna ku sii jeeday magaalada, balse haweenkaasi ay u lugeeyeen Dhuusamareeb.

Maalmihii ugu dambeeyay madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu sunna ayaa kulamo kala duwan waxa uu la qaadanayay waxgaradka,odoyaasha iyo dhalinyarada magaalada, waxaana maanta la filayay in uu kulamo kale la qaato waxgaradka magaalada Guriceel oo loo diiday in ay Dhuusamreeb gaaraan.

Goobjoog News