U bood dhigaalka

Ogaw Wax Badan Oo Ku Aadan Kulanka U Dhaxeeya Dalalka Soomaaliya Iyo Ethopia

Sheeko:Cayaaraha

Xulka qaranka dalkeena Soomaaliya ee 23-jirada ayaa kulankoodii 2-aad ee tartanka is reeb reebka olimbikada la dheelidoono dhigooda Ethopia inkastoo ciyaartii kowaad ay xulkeena soo gaartay guul daro

Maalmihii lasoo dhaafay waxa ay diyaar garow xoogan ku qaateyn dalka Jabuuti oo guri ahaan xulkeena ugu dheelo waxaana muuqanaysa rajo ahaan in ay kasoo laaban karaa guul daradii kasoo gaartay Ethiopia oo xifaaltan soo jireyn inaga dhaxeeyso sanadihii laga soo gudbay.

“Ma aanan filanaynin wixii ka dhacay magaalada Addis Abba maalmihii lasoo dhaafay oo aheyd guul daradii soo gaartay xidigaha aan hogaaminayo ee 23-jirada,balse iminka waxaa xooga saaraynaa in aan samayno wax ay ku Farxaan taageerayaasha iyo muwaadanniinta dalkeena”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay tababaraha xulka 23-jirada wadanka Maxamed Cabdulle Farayare.

Xulalka kubbadda cagta Sooomaaliya iyo Ethiopia marar badan ayay wada ciyaareyn tartamada kala duwan ee qaarada Afrika waxaana labada dal ka dhaxeeyo xifaaltan adag oo soo jireyn ah.

“Guul ayaan u rajeenaynaa xiddigaha dalkeena Soomaaliya oo kulan adag la leh dhigooda Ethiopia muhiimada ma ahan guul iyo guul daro,balse waxaan ku kalsoonahay xirfadlayaasha lasoo xulay iyo bandhigooda” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay tababarihii kooxda kubbadda cagta qurba joogta ee bishii lasoo dhaafay dalka u timid ciyaaro saaxiibtinomo iyo is dhaxgal bulsho Nuur Xaaji Cabdi Wali.

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Is Reeb Reebka Olimkada
Dalalka-Somalia VS Ethiopia
Taariikhda:-20-11-2018
Maalinta:-Talaado
Xiliga Ciyaarta:-3:30pm
Garoonka:-El Hadj Hassan Gouled Stadium