U bood dhigaalka

Ogaw Wax Walbo Oo Ku Aadan Ciyaarta Xiisaha Badan Ee Somaaliya Iyo Ethiopia

Sheeko:Cayaaraha

 

Xulka Ethiopia ayaa ciyaar xiiso badan la leh xidigaha 23-jirada ee dalkeena Soomaaliya waxayna ciyaartan ka dhacaysa magaalada Addis Abba oo ay xulkeena gaareyn 10-kii bishan November

Labada xul waxa ay wada ciyaaridoonaan kulan ka tirsan is reerbka ciyaaraha olimikada aduunka oo 220 lagu qabandoono magaalada Tokoyo ee dalka Japan waxayna xulkeena sameeyeen tababaro kala duwan tan iyo bishii October,iyagoo garoonka Jaamacadaha saddex waqti ku qaatay tababaro adag

Ethiopia iyo Soomaliya ma ahan markii ugu horeesay oo ay wada ciyaarayaan kulamo ka tirsan qaarada Afrika,balse waxaa labada dhinac kawada dhaxeeyo xifaaltan adag maadaam labada wadan ay daris yihiin

“Si wanaagsan ayaan iskugu diyaarinay kulankan xiisaha badan waxaa inaga go’an in aan guul usoo hooyno taageerayaasheena oo marlaba jecel wada guulaha,balse kubbaddu waxa ay  lee dahay saddex heer anagana waxaan diyaar u nahay in aan qaadno midii ina soo gaarta”waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Ciise C/qaadir Ibraahim oo ah kabtanka xulka 23-jirada Soomaaliya

Da’yarada Soomaliya iyon Ethiopia ayaa bishii April ee sanadkan kuwada hardamay ciyaarayaha 17-jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay Burundi inkastoo Soomaaliya ciyaartaas laga adkaatay hadana Ethiopia waxaa laga qaaday dhibicii iyo goolashii ay dhalisay sababo ku aadan in ay soo safatay ciyaaryahan ka da’weyn 17-sano waxaana xulka Ethiopia lagu ganaaxay Lacag dana 5-kun oo dollar

“Xulka Ethiopia waxa uu caan ku yahay qayaanada da’da ama (Age Cheating),balase aniga ma qabo in sidaas samaynaynaa kulankan sababtoo ah ciyaartii u danbeesay ee labad wadan dhax martay waxaa ogtahay in Ethiopia lacago faro badan laga ganaaxay aniga ahaa waxaa ii muuqda diyaar xoogan oo ay labada dhinac sameeyeen waxaa Goobjoog Sports u sheegay C/Wali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ugu ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda Banaadir SC

Ogeysiiska Kulanka                     

Tartanka:-Is Reeb Reebka Olimkada

Dalalka-Ethiopia VS Somalia
Taariikhda:-14-11-2018
Maalinta:-Arbaco
Xiliga Ciyaarta:-3:30pm
Daawashada Kulanka: – azamtv Tanzania
Garoonka:-Addis International Stadium

Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Ciyaarta Adag Ee Soomaaliya Iyo Ethiopia

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/508706609613850/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle