U bood dhigaalka

Ogaw Xaqiiqooyinka Iyo Loolanka Kulanka U Dhaxeeya Kooxaha Elman VS Muqdisho City Club

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha ugu guulaha kubbadda cagta Soomaaliya 25-sano lasoo dhaafay ee kala ah Elman iyo Muqdisho City Club ayaa ku balansan garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis,iyagoo wada dheelidoona kulankii 33-aad horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019.

Xidigaha Elman kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 3-2 kaga badiyeen Jazeera Sports Club halka Muqdisho City ay iyagana 4-2 ku garaaceyn dhigooda Madbacada Qaranka.

                                    Xaqiiqooyinka Kulanka Ka Hor

Anwar Sayid Cali oo ka tirsan Elman ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka,isagoo leh 6-gool waxaana kaalinta 2-aad ku jira laacibka reer Kenya ee isna ka mid ah M.C.C Marcel Odhiambo wuxuuna xidigan dhaliyay ilaa 5-gool,Anwar Shakuunda waa laacibka difaacanaya kabta dahabka gool dhalinta horyaalka Soomaaliya.

Hogaamiyaasha labada koox ee kala ah Al Hagi Muumin oo kasoo jeeda Ghana iyo Mbalngu Hussein oo isna u dhashay dalka Uganad ayaa kulankoodii 1-aad is wajahaya horyaalka Somalia Premier League.

08-August 2018-kabtankii hore Banaadir SC Daadir Amiin Cali ayaa kooxdiisii hore ee Muqdisho City u ciyaaray kulankii u danbeeyay wuxuuna xiligaa ka horyimid,isla kooxda uu iminka ku suganyahay ee Elman taageerayaasha Muqdisho City ayaa aad u jeclaa xirfadyahan xidigoodii hore.

23-August 2018-Kooxda Elman ayaa gashay is badal maamul waxaana guddomiyaha kooxda loo magacaabay laacibkii hore kooxda Horseed Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) tan iyo kolkii uu kooxda la wareegay waxa ay gashay is badal sareeya.

14-September 2018-Al Xaaji Abuubakar Muumin oo ah layliyaha kooxda Elman kana soo jeeda dalka Ghana ayaa la wareegay laylinta Elman,isagoo iminka la qabsaday horyaalka Soomaaliya iyo tartamada kubbadda cagta gudaha.

17-November 2018-Goolyahii hore kooxda Muqdisho City Aweys Xaaji Amiin ayaa isna kasoo hayaamay Safka M.C.C,isagoo dalab ka helay Elman waxaana macquul ah in kusoo bilaawdo safka kooxda Elman kulan ay la balansantahay naadigisii hore Muqdisho City Club.

25-November 2018- Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose ee Muqdisho City Club waxaana magacan qaatay xidigaha kooxda Banaadir Sports Club oo ka mid ah kooxaha ugu guulaha horyaalka Soomaaliya.

27-November 2018-Qoraal lagu soo bandhigay baraha bulshada ee kooxda Elman ayaa lagu qeexay in kabtankii hore M.M.C Daadir Amiin Cali oo soo caga dhigatay naadiga jaalayaasha waxaan kusoo biiritaankiisa aad usoo dhaaweeyay taageerayaashiisa.

Is Aragii U Dambeeyay Labada Koox

12/04/2018 Mogadishu City Club 4:2 Elman FC

13/02/2018 Elman FC 2:6Mogadishu City Club

24/03/2017 Muqdisho City Club 0:1 Elman FC

25/11/2016 Elman FC 1:2 Muqdisho City Club

22/03/2016 Elman FC 1:1 Muqdisho City Club

14/01/2016 Muqdisho City Club 2:1 Elman FC

13/04/2015 Elman FC 0:0 Muqdisho City Club

22/01/2015 Muqdisho City Club 1:1 Elman FC

21/02/2014 Muqdisho City Club 0: 0 Elman FC

12/11/2013 Elman FC 1:3 Muqdisho City Club

02/07/2012 Elman FC 1:1 Muqdisho City Club

18/10/2012 Muqdisho City Club 1:2 Elman FC

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka:-Horyaalka Somalia Premier League 2018-2019

Kooxaha-Elman SC VS Muqdisho City Club

Tariikhda:-25-03-2019

Maalinta:-Isniin

Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 32°27°

Garoonka: – Banaadir Stadium

Maxamed Xuseen Qalinle