U bood dhigaalka

OGEYSIIS JAGO BANAN – Kaaliyaha Dib U Heshiisiinta iyo Maamulka Degaanka ee Barnaamijka Xasilinta

Sheeko:War

Xayesiin Shaqo: Barnaamijka Xasilinta

Muddada Shaqada: Waa 6 billood oo la kordhin karo

Goobta shaqada: DIINSOOR, BAARDHEERE, ADALLE, BULO BURTE IYO MAHADAAY

Supervisor:  Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Waxay Xirmaysaa: Axad 24 July 2016

 

Xayesiin Shaqo: Barnaamijka Xasilinta

Muddada Shaqada: Waa 6 billood oo la kordhin karo

Goobta shaqada: DIINSOOR, BAARDHEERE, ADALLE, BULO BURTE IYO MAHADAAY

Supervisor:  Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Waxay Xirmaysaa: Axad 24 July 2016

Xaaladda Guud

Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed iyo kuwa Ururka Midowga Africa ee jooga Somaliya (AMISOM) ayaa waxay cusboonaysiiyeen weerarada ay dib ugu qabsanayaan dhulka ay Al Shabaab ka taliso. Ilaa iyo hadda, weeraradaasi waxaa dib loogu qabsaday 16-degmo oo ku kala yaala gobollada Bakool, Gedo, Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, Galgaduud, Baay iyo Hiiraan. Arrintaan waxaa bar bar socday, in dowladdu ay diyaarisay istiraatiijiyad ay ku xasilinayso (Dhulka la qabtay), iyadoo xogga sarayso sidii lagu dhisi lahaa maamullo, sidoo kalena ay bilowday geeddi socod wadahadal iyo dib u heshiisiin iskugu jira, iyo in wax laga qabto baahida deg degga ah ee ka jirta goob walba. Istratejiyadda dowladda waxay ku qotontaa sidii si tartiib tartiib ah loogu dhisi lahaa maamullo ku meel gaar ah laguna hir-gelin lahaa sharciga arrintaas oo ay xigi doonto dhismaha maamul goboleedyo iyo goleyaal ku-meel gaar ah oo ugu dambayn noqon doona kuwo joogto ah. Arrintaan waxay u baahan tahay sidii laysugu dubba ridi lahaa loona wada xiririn lahaa howlaha degmooyinka iyo Wassradda Arrimaha Guduha.

Kaaliyaha Dib U Heshiisiinta iyo Maamulka Degaanka wuxuu mas’uul ka noqon doonaa guul ka keenista mashrucaan. Iyada oo la racayo sharudaha u degsan shaqadaan, ayuu Kaaliyaha Dib U Heshiisiinta iyo Maamulka Degaanka wuxuu mas’uul ka noqonayaa taabba-gelinta howlaha mashruuca iyo guul ka keenidda degmada loo xil sarray isaga/iyada.

Dib U Heshiisiinta iyo Maamulka Degaanka waxa uu ka amar qadanayaa maamulaha mashruuca kor ku xusan sidoo kalena wuxu tageerayaa kooxda degaankaas ka shaqaynaysa.

Waajibaadka iyo Shaqooyinka

Kaaliyaha Dib U Heshiisiinta iyo Maamulka Degaanka wuxuu mas’uul ka yahay fullinta howlahaan sida gaarka ah u tilmaaman:

–          Taageer Tababbar u samaynta Guddiga Nabada iyo Xasilinta ee Degmadda iyo Maamulka ku meel gaar ka ah ee Degmada

 

–          Kaalmee hirgalinta shir loo dhanyahay (50-75) ergo oo ay ku jiraan Xildhibaanadda, Odayaasha dhaqanka, Culumaa-udiinka, Dhalinyarada, Haweenka iyo Hogaamiyayaasha siyaasadda si loo soo xulo Maamulka ku meel gaar ka ah ee heer dagmado

 

–          Caawi habka Dib- U Heshiisiin Bulsho oo loo marayo:

(a) Tiiraanyo bixin wadareed (trauma healing) iyo kalsooni-dhisid bulsho

(b) Wadahadalka bulshada oo ay hogaanka ka yihiin Gudigga Nabadda iyo Xasilinta ee Degmada

(c) ka sheekeynta dhaqanka iyo adeegsiga suugaanta

–          Qorshee qoraalo (Warbixin) dhamays-tiran oo ay ku jiraan talo soo jeedin wixii ka soo baxay kulamadii Dib U Heshiisiinta

–          Qabanqaabi warbaahinta in ay arrimaha degmadda kasocda tabiso (Media Coverage)

–          Kaalmee abaabulka bulshada iyo wacyigalinta marka la samaynayo dhisida dawladda hoose ee degmadda (local governance)

Kala Saraynta Maamulka iyo Gudbinta Warbiixinta

Kaaliyaha Dib U Heshiisiinta iyo Maamulka Degaanka wuxuu hoos imanayaa maamulaha mashruca xasilinta.

Shuruudaha  Darajooyinka Aqooneed ee laga rabo kaaliyaha

Waxaa la door bidayaa qof ka haysta shahaadada heer masters maadooyinkan mid ka mid ah (Barashada cilmiga Nabada, Dowladaha Hoose, maamulida dadwaynaha, xalinta khilaafaadka, amniga, dhaqaalaha, siyaasada, cilmiga bulshada, sharciga,  culuunta caalamiga ah ama maado kale oo xiriir la leh  ayaa laga doonaya codsadaha.

 

Shuruudaha Waaya’aragnimo ee lga rabo Kaaliyaha

–          Ugu yaraan waa in uu leeyahay waya’aragnimo (2) sano ah (Hadii uu haysto Shahaadada heer Master mid ka mid ah maadooyinka kor ku xuasn) ama (4) sano (hadii uu haysto shahaadado  heer Bachelors mid ka mid ah maadooyinka kor ku xusan) oo uu ka shaqaynayey maamulka dowladda hoose ama bulshada rayidka ah ama nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, waya’aragnimadaas ha ahaato mid heer qaran ah ama mid heer caalami ah;

–          In uu leeyahay raad raac la taban karo oo uu ku fulinayey mas’uliyad u dhiganta tan hadda aan soo sheegnay;

–          In uu u leeyahay aqoon iyo waayo’aragnimo durugsan degmada uu shaqada ka codsanayo, sidoo kale musharaxu waa inuu degan yahay degmada uu rabo inuu ka shaqeeyo.

–          In uu leeyahay waayo’aragnimadii farsamo ee uu dadka kula xariiri lahaa, Amniga bulshada, isu keenida iyo isku dumidda bulshada, Dib U heshiisiinta, Nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka ama  Howlo kale oo toos ula xariira;

–          In uu leeyahay waayo’aragnimo uu uga shaqayn karo computerrada uuna ku adeegsan karo software-rada (MS Word, Excel)

–          In uu leeyahay aqoon fiican oo uu ku adeegsan karo spreadsheetka uuna ku abuuro nidaamka ururinta iyo habaynta xogta

–          In uu leeyahay waayo’aragnimo shaqo uu lasoo shaqeeyay Dowladda ama Qaramada Midoobay, waa arrin la daneeynayo;

–          In uu ku wanaagsan yahay qorista iyo aqrinta afka Soomaaliga iyo afka Ingiriiska;

 

 

Si aad u codsato, waxaad ku dirtaa CV-gaada ugu dambeeyay emailkan: [email protected] or [email protected] Wixii faahfaahin ah kala xiriir emailka kor ku qoran. Taariikhda ugu dambeeyso ee lasoo codsan karo booskan shaqo waa Axad 24 July 2016. Waxaa xiriir lala soo sameyn doonaa oo kaliya dadka soo galo liiska kooban. Musharaxiinta dumarka ah waxay leeyihiin mudnaan gaar ah. Fadlan warqada codsigaaga korkeeda Ku cadeey magaca degmada aad codsanayso.