U bood dhigaalka

Ogow Dhacdooyinka Ugu Weynaa Bisha August Ciyaaraha Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

01-August 2019-Kooxda Mogdishu City Clup ayaa saxaafada usoo bandhigtay dhowr xidig kuwaas oo kala ahaa ajaaniba iyo kuwa u dhashay dalka qeybna ka ah olalah 2019-2020.
Xidiaha kusoo biiray waxa ay kala yihiin Wahiid oo dhashay Ghan,Remy oo isna kasoo jeed Uganda,Uche oo u dhashay Nigeria iyo Jacfar,Bakar oo kaga soo biiray Magaalada Jigjiga .


02-August 2019-Macallinkii hore Muqdisho City Club Hussein Mblangu ayaa magaalada Kampala kula kulmay ciyaartooyda kooxdiisii hore kuwaas oo qeyb ka ahaa safka Xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeybgalay tartanka African Nations Championship 2019.


03-August 2019-Xulka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka haray tartanka Chan 2019, kaddib markii laba guuldaro oo kala kulmay dhigiisa Uganda,iyadoo xulkeena laga dhaliyay ilaa 7-gool labo ciyaareed oo ku kala dheelay wadamada Jabuuti iyo Uganda.

04-August 2019-Kooxda Xidigaha FC ee ka dhisan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa ku guulaystay tartan lagu xusay legend Macallin Cabdullahi Xasan Saalax Tuke.


05-August 2019-Xidigaha xulka Qaranka Soomaaliya ayaa kusoo laabtay caasimada Muqdisho ka dib markii ay labo ciyaareed ay guul daro kala kulmeen Xulka Uganda.

06-August 2019-Madaxwaynaha Puntland Dr.Saciid Cabdilaahi Deni ayaa bixiyay balan qaadkii lacagta ahaa ee uu maamulkiisa ugu qeeyb qaadanayay dhismaha Garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe, Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare ku wareejiyay $100,000 dollar.


06-August 2019-Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise ku wareejiyay lacagtii uu balanqaaday ee cadadkeed aheyd $227,167 (Laba boqol Labatan todoba kun,boqol lixdan iyo todoba dollar),iyadoo guddiga dhismaha garoonka ay arintan ugu mahad celiyeen Raysal Wasaaraha


07-Auguts 2019-Kooxaha Kubbadda cagta Muqdisho City Club iyo Dekedda ayaa u safartay dalalka Zanzibar iyo Egypt waxayna halkaa u kala aadeen ka qeybgalka tartamada CAf Confedration iyo CAF Champions League


08-August 2019-Baydhabo waxaa lagusoo gabagabeeyey tartanka South West Super League 2019 oo aheyd markii ugu horeesay loo qabto naadiyada u diiwaangashan Xiriirka Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed waxaana kaabkan hantay xidigaha FC Suuqa Xoolaha.


09-August 2019-Dowalladda Soomaaliya ayaa magacii garoonka Stadium Banaadir ee degmada Cabadi Casiis ku badashay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow),Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in garoonka loo bixiyay Eng.Yariisow Stadium.


10-August 2019-Guddiga dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab wuxuuna guddiga ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha iyo qorshayaasha garoonka la doonayo ee loo qaabeeyo.

11-August 2019-Xidigaha Dowlladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa kulankii 1-aad ee tartanka kooxaha Caf Confedration barbaro la galay naadiga reer Zanzibar ee Malindi Sports Club waxayna aheyd 30-sano.


12-August 2019-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa xerada farsamada ee garoonka Jaamacadaha ku booqday xulka 15-jirada,isagoo kula dardaarmay in ay si wanaagsan u qaataan casharadii la baray maadama ay yihiin mustaqbalka Soomaaliya.

13-Agust 2019-Guddoomiyaasha kooxaha Horseed iyo Elman DR.Maxamed Axmed Maxamed iyo Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa kulan baraarujin iyo dhiiri-gelin la qaatay xulka 15-jirada ee markii horeesay nasiibka u yeeshay in matalaan Soomaaliya.


13-August 2019-Xidigaha Xulka Qaranka 15 Jirada ayaa uu safray magaalada Asmara ee daka Eretria,iyagoo ka qeybgalay tartanka briga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Under 15 oo markii ugu horeesay la qabtay.


14-August 2019-Kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka ayaa u safartay wadanka Morocco,iyagoo 32- kadib ka qeybgalay tartanka Jamaacada Carabta oo sanadkan lagu qabtay magaalada casablanca,maamulka kooxda Horseed waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin mudo dheer ka dib in ay kusoo laabtaan.


15-August 2019-Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame iyo guddiga dhismayaasha garoomada kubbadda cagta degmooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo,isagoo ku wareejiyay lacagtii uu balanqaaday ee aheyd kaabida dhismayaasha labada garoon,dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha Galmudug ayaa arinta kaga mahadceliyay Raysalwaasaraha xukuumada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre.


16-August 2019-Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada dheelay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Eretrie kulankaa ayaa ahaa furitaanka ciyaaraha Cecafa Under 15.
17-August 2019-Bahda isboortiga degmada Cadaado ayaa kulan mahad celin ku qabtay garoonka Caadaado wuxuuna u jeedkooda ahaa in ay mahadcelinayaan Raysal  Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo bixiyay lacag uu ugu talagalay dhismaha garoonka Cadadaado waxaana cadadka lacagtaa lagu qeexay $145,500 Dollar.


18-Auguts 2019-Guddoomiyaha Garsoorka  Xasan Yabarow Wiish iyo Guddoomiye ku xigeenka garsoorka Aweys Cabdullaahi Sheekh ayaa u safray dalka Rwanda,iyagoo halkaa ugu qeyb galay tababar ay FIFA u qabatay hogaanka garsoorka Wadamada Qaarada Afrika wuxuuna socdaalkaan u ahaa kowaadii 1-aad


19-August 2019-Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) oo safar shaqo ku tagay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegay in degmada Diinsoor ay helayso mashaariic horomarneyd.


20-August 2019-Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay horomarka ay kooxaha dalka ku tilaabsadeen ka dib markii sanadkan ilaa afar naadi ay ka qeybgaleen tartanka Caf Champians League,Caf Confederation,Arab League iyo tartanka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Afrika waxayna madaxda xiriirka sheegeen in horomarka dhinaca dibadda ay sii socdaan tani ay kor u qaadeeso horomarka kubbadda cagta .


23-August 2019-Dhallinyarada 15 Jirada Soomaaliya Iyo Eretria ayaa barbaro ku heshiiyay,iyagoo wada dheelay kulamadoodii ugu danbeeyay heerka is araga Groupyada tartanka xulalka da’yarta Bariga iyo Bartmaha.


24-August 2019-Aweys Nuur Axmed iyo Cabdi Cabdulle Basaale oo ka mid ah macallimiinta garsoorayaasha kubbadda cagta Soomaaliya ayaa u safray wadanka Ruwanda,iyagoo halkaa ku aaday aqoon kordhinta xirfada


25-August 2019-Degmada Hodon ayaa iska xaadirisay fiinaalaha tartanka bubbadda Gacanta Degmooyinka Gobolka 2019, ka dib markii Sem Finalka ay ka adkaatay Warta Nabbadda.


26-August 2019-Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa Saciid Cabdi Haybe u magacaabay safiirka iyo madaxa soo aruurinta ciyaaryahanada qurbajoogta kuwaas oo ka qeybqaadanaya horomarka xulka qaranka .


27-August 2019-Degmada Shibis ayaa usoo baxay fiiinaalka tartanka kubbadda Gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 kadib markii ay guul ay si dirqi ah kaga adkaatay kooxda degmada Wadajir.


28-August 2019-Ciyaartooydii Jeenyo ee iminka u dheela kooxaha kala duwan ee Soomaaliya ayaa aad ugu xumaaday in kooxdoodii hore ay u laabto heerka 2-aad Soomaaliya,balse u rajeeyay horomar wanaagsan.

29-August 2019-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa xulka 15 jirada kaga mahad celiyay shaqadii wanaagsaneed ay kusoo bandhigeen wadanka Eretria oo sanadkan marti geliyay tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Ceacafa.


30-August 2019-Xulka 15 Jirada ee markii ugu horeesay ka qeyb galay ciyaaraha da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa kusoo laabtay Muqdisho waxaana si weyn u soo dhaweeyay xiriirka kubbadda cagta iyo qaar ka mid ah waalidiintooda waxaana looga mahad da’daalka ay kusoo bandhigeenka wadanka Eritrea.


31-Auguts 2019-Xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxda xulka Qaranka waxaana markii ugu horeesay safka xulka loogu yeeary ilaa 10-ciyaartooy oo ka dheela caalamka waxaana talaabadan soo dhaweeyay bahd kubbadda cagta.

Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha August 2019 Oo Muuqaal Ah 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/3004700172878445/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle