U bood dhigaalka

Ogow Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Dhacay Bisha Luuliya 2019

Sheeko:Cayaaraha

Goobjoog Sports waxa ay aqristayaasheeda sharafta badan usoo gudbinaysaa dhacdooyinkii ee dhacay bisha July 2019,iyadoo aan horay idinla wadaagnay bilihii lasoo dhaafay waana tariikh ku cusub bahda ciyaaraha.

01-July 2019-Maamulka koxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xilkii macallinimo ka qaaday tababarahoodii reer Uganda Mbalangu Xuseen,isagoo kooxda hogaaminayay tan iyo 2015 wuxuuna la qaaday hal horyaal oo aan laga badin 2016 iyo koobabka kala ah Jeneraal Daa,uud 2018 iyo Somalia Super Cup.


02-July 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tartan futsal oo u socday waaxyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir u soo xeray waxaana koobkan fiinaalihiisa wada dheelay waaxyalaaha Towfiiq iyo Horseed waxaana koobka hantay dhallinyarada ka socotay waxaada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

03-July 2019-Kooxda kubbadda cagta Dekedda ayaa sanadkii 3-aad oo xariir ah ku guulaystay tartanka horyaalka Somalia Premier,ka dib markii kulankii ugu danbeeyay horyaalka ay 3-2 kaga badisay xidigaha dowaladda hoose ee Muqdisho City Club wuxuuna labada dhinac kulamadoodii u danbeeyay horyaalka.

04-July 2019-Kooxda ciidanka booliska Soomaliyeed Heegan ayaa u safartay dalka Ruwanda wuxuuna yoolka socdaalkaas ahaa ka qeyb galka tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa Kigame Cup 2019.


05-July 2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iyo bahda ciyaaraha kubbadda cagta ayaa si wanaagsan u macsalameeyay macallinkii hore naadiga Muqdisho City Club Hussein Blangu Hassan kaas oo u dhashay dalka Uganda,ka dib markii uu ka tagay laylinta kooxda dowladda hoose ee Xamar,wuxuuna dalka ka shaqaynayay mudo shan sano ah,isagoo aad ugu mahad celiyay bahda ciyaaraha Soomaaliya.

06-July 2019-kooxda Heegan ayaa kulankii 1-aad ciyaartay tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee (Cecafa Kigame Club) waxayna kulankii 1-aad guuldaro 2-0 kasoo gaartay Green Eagles oo ka dhisan Zambia.


07-July 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tartan kbadda cagta ah u furay dhallinyarada Brakacayaasha ee degmada Kaxda,si loo dhiri geliyo xirfadlayaasha barkacayaasha ee ku nool Gobolka Banaadir.


08-July 2019-War saxaafadeed kasoo baxay maamulka kooxda Heegan ayaa lagu shaaciyay in Amina Amase oo u dhashay dalka Ghana loo magacaabay tababaraha 1-aad waxaana naadiga hogaaminayay Cusman Yusuf.

09-July 2019-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu gacan ka gaysaneyso dhismaha garoonka kubbadda Cagta Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo guddiga dhismaha garoonka ayaa Khayre kaga mahad celiyay dhaqaalaha uu ugu deeqay waxaa cadadka lacagta lagu sheegay 150.000$.


09-July 2019-Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa bilaaway isticaamlka aalada lagu ogaanayo fayqabka heerka tababarka ee loo yaqaano (On Device Monitring Physical Fitness Preformence) waxaana aalada horay u isticmaalay garsoorayaaasha kubbadda cagta Soomaaliya.


10-July 2019-Kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xafiiskeeda kusoo bandhigtay macallin Maxamed Mistiri Lamjed oo u dhashay wadanka Tuniisiya,wuxuuna jagadan ka badalay Mbalangu Husein .

11-July 2019-Kooxda  Heegan ayaa ka hartay tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa ee  ka dhacay dalka Rwanda waxaana saddex ciyaarood ay dheeleen laga dhaliyay 8-gool,iyadoo laga wada badiyay dhamaan kulamadii ay ciyaareen waxaana ka adkaaday kooxaha kala ah Green Eagles,Proline FC iyo Apr.


12-July 2019-Maamulka kooxda Elman ayaa kulan mahad celin iyo baraarjin la qaatay ciyaartooyda,ka dib markii ay xidigahoooda ay ku dhameysteen kaalinta sadexaad ee kala sareynta horyaalka 2018-2019.


13-July 2019-Maamulka kooxda kubadda cagta Dekedda ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda oo markii saddexaad oo xariir ah ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League waxaana shaqaalaha,taageerayaasha iyo maamulka ay dabaal dag sare ku qaateen garoonka Banaadir ee degmada Cabdicasiis.

14-July 2019-Maxamed Meatiri Lamajed ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay ciyaartooyda,maamulka,shaqaalaha iyo taageeryaasha naadiga dowladda hoose waxaana macallinka reer Tuniisiya loogu warbixiyay horomarka naadiga iyo halka ay hiigsanayso sanadaha soo aadan.

15-July 2019-Shan sano ka dib ciyaartooyda kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa qaatay tababarkoodii ugu horeeyay ee macallinkooda Maxamed Mestiri Lamjed,iyagoo inoo sheegay in ay la qabansandeen falsafada tababarahooda reer Tuniisiya.


16-July 2019-Xiriika kubbadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay horomarka kooxaha dalka maadaam Dekdda,Heegan,Muqdisho Cit Club iyo Horseed ay sanadkan ka qeybgaleen tartamada kale duwan ee qaarada waana markii ugu horeesay burbrukii dalka ka dib talaabadan,iyadoo ay ka shaqeeyeen X.K.Cagta.


17-July 2019-Tartanka Da’yarta Muqdisho Talent Cup ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana ka qeybgalay 500 ciyaartooy oo da’d kala duwan,iyagoo kala matalay 32-koox oo kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir.


18-July 2019-Gudoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta dalka Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday  guddiga fulinta xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ee CAF,isagoo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka xiriika kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee Cecafa.19-July 2019-Naadiga Muqdisho City Club ayaa soo dhawaysay ka qeybgalka tartanka kooxaha CAF Confedration waxayna  laba kulan la ciyaaraysaa kooxda Milindi Sports Club oo ka dhisan Zanzibar.


20-July 2019-Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar oo ka qeybgalay ciyaa ka tirsaneed tartanka kubbadda gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 ayaa sheegay dowladda in ay ku da’daalayso xoojinta horomarka iyo kobaca isboortiga Soomaaliya,si loo tiigsado horomaradii guulaha ee la gaaray 2018.

21-July 2019-Bahda kubbadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Xubnimada xiriirka kubbadda cagta Qaraada Africa ee Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab,iyagoo u rajeeyay in uu sii sameeyo horomar kale.


22-July 2019-Xiriirka kubbadda cagta ayaa xerada farsamada garoonka Jaamacadaha ku xareeyay dhallinyarada 15-jirada ee matalaysa xulka qaranka kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka bariga iyo baratamaha.

23-July 2019-Agaasimaha farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cawil Ismaaciil Maxamed iyo kaaliyihiisa Maxamed Cabdulle Farayare ayaa shaahada tababarnimo  gudoonsiiyay macallin Daadir Amiin.


24-July 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cabdiqani Cabdullahi Hilowle ayaa degmada Buula Bude ka daah furay tartan u dhaxeeyay 10-koox oo ka dhisan degmada wuxuuna wasiirka sheegay in dhamaan maamulka loo qabandoono tartamo kala duwan,si dhallinyarada ay usoo bandhigaan xirfadooda.

25-July 2019-Wafdi uu hogaaminayay macallinka kooxda jaalayada Soomaaliyeed ee dalka Australia Cali Xuseen ayaa magaalada Toronto ee wadanka Canada u tagay ka qeybgalka tartan ciyaareed lagu xusayay Legend Cabdullahi Xasan Salaax (Macallin Tuke) oo lixdankii sano lasoo dhaafay ku jiray isboortiga Somalia.

26-July 2019-Kooxda Heegan oo ka mid aha naadiyada u diiwaangashan xiriirka kubbadda cagta Jubaland ayaa u laabatay horyaalka heerka 2-aad waxaana horay u xaqiijiyay naadiga Himilo FC.


27-July 2019-Xulalka Soomaaliya Iyo Uganda oo wada ciyaaray kulanka kowaad ee tartanka African Nations Championship ayaa waxaa ciyaartaas 3-1 ku badiyay wiilasha xulka Uganda,iyagoo lagu dheelay dalka Jabuuti.


28-July 2019-Maamulka Kooxda kubbada Dekedda ayaa soo dhaweeyay ka qeybgalka tartanka CAF Champion League,iyagoo labo kulan la dheelidoono naadiga reer Masar ee Zamalek.

29-July 2019-Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa bahda kubbadda cagta Soomaaliya kaga mahad celiyay garab istaaga iyo dhiiri-gelinta ay u muujiyeen,ka dib markii uu isla bisha July mudo dheer ka dib uu xaqiijiyay guddiga fulinta Xiriirka kubbadda cagta qaarada Africa ee CAF.

30-July 2019-Xulka da’yarta 15-jirada ayaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo la ciyaaray iskuuulka Daaru-Tarbiya oo kaalinta 2aad ee kala horeynta kaga jira tartanka iskuuulada ee Youth League 2019 wuuxuna kulanka ka dhacay garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan,iyadoo kulankaa ay daawashadiisa  soo xaadireen madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta,si ay dhiiri-geliyaan dhallinyarada Xulka  Soomaaliya.


31-July 2019-Madaxwaynaha Puntland DR.Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhaggax dhigay Garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe,Mr.Saciid Deni wuxuuna balan qaaday in guddiga dhismaha garoonka ay ku taageeridoonaan 100, 000 dollar,si dhallinyarada Puntland ay helaan goobo casri ah ay ku ciyaaraan,xiriirka kubbadda cagta Puntland ayaa talaabadan kaga mahad celiyay madaxweyne Saciid Deni.

Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinkii Bisha July 2019 Oo Muuqaal Ah

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2317613928306491/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle