U bood dhigaalka

Ogow Doorkii Uu Kabtan Cabaas Kulahaa Hanashada Horyaalka Soomaaliya Kooxdiisa Dekedda

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Dekedaha Football Club ayaa sanadkii saddexaad ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League waxaana sanadahaas door wanaagsan kulahaa kabtanka naadiga naadiga Cabaas Amiin Maxamed.

Ciyaaryahan Cabaas Amiin Maxamed waxa uu sabab ahaa hanashada horyaalka Somalia Premier League markii saddexaad oo xariir ah,ka dib markii uu naadigiisa u dhaliyay goolal ay u baahneed saddexdii fasal ciyaareed ee lasoo dhaafay waxayna maamulka kooxda u qireen in uu yahay halyeey guulaystay.


Guddoomiye ku xigeenka naadiga Dekeddaha Football Club Maxamuud Nuur Waasuge ayaa Goobjoog u  sheegay in ka maamul ahaan ayay aad ugu mahad celiyaan kabtan Cabaas Amiin iyo dhamaan xidigaha kale ee kooxda kubbadda cagta da’daalka iyo shaqada adag ay qabteen kol ciyaareedyadii lasoo dhaafay.

Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo ah tabaraha kooxda Dekedda ayaa laacib Cabaas kaga mahad celiyay sida uu markasta isaga xil saaro marka ay kooxdiisa u baahantahay goolasha muhiim ay ku tiigsanayso koobabka.

Xoghayaha naadiga Dekedda Cabdullahi Bashiir Kuwaataro ayaa xirfdyahan Cabaas  Amiin ku qeexay halyayadii soo maray naadiga Badda xiligii barisamaadka ee kaalinta wanaagsan soo qaatay guulaha.

Ciyaaryahanada iyo taageerayaasha naadiga Dekedaha  ayaa qudhooda bogaadiyay da’daalka iyo goolasha muhiimka uu saaxiibkooda kabtan Cabaas Amiin Maxamed u dhaliyay saaddexdii fasal ciyaareed laga soo gudbay,iyagoo u rajeeyay in uu sii sameeyo horomaro kale oo waaweyn sanadaha soo socda.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Doorkii Uu Kabtan Cabaas Kulahaa Kooxdiisa Dekedda

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2602256343377075/