U bood dhigaalka

Ogow Sida Loo Diyaariyay Xulka Dhalinyarada Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Madaxda xariirka kubbadda cagta kubbadda cagta Soomaaliya ayaa juhdi iyo waqti badan ku bixiyay dhisidda da’yarta xulkeena oo markii ugu horeesay ka qeyb galay ciyaaraha 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Africa 2019.


21-July 2019-Waxaada dhallinyarada xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa xidigaha da’yarta kusoo xareeyay xerada farsamada ee garoonka Jamacadaha waxaana madasha goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee X.K.Cagta Cali Cabdi Maxamed Cali Shiine,Cabdi Cusmaan Daamey oo ah madaxa suuqa geynta,Cabdisamad Sheekh Qaasim oo ah madaxda farsmada iyo guddoomiyaha dhallinyarada X.K.Cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud,iyadoo ciyaaryahanada da’yarta si heer sare loogu soo dhaweeyay xerada.

Waalidiinta qaarkooda oo aan maalinkaa kula kulanay isla xerada farsamada ayaa u mahad celiyay mas’uuliyeenta Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya,iyagoo ku amaanay in caruurta loo diyaariyay goobo aad u wanagsan sida qolalka jiifka,cuntada iyo garoonka tababarka waxayna dhalaankooda kula dardaarmeen in ay kaa faa’ideestaan waqtiga iyo juhdiga ay ku bixinayaan madaxda Xariirka Kubbadda Cagta dalka.

Ciyaaryahanada oo intooda badan laga kala keenay horyaalka iskuulada ee Youth League ayaa Goobjoog u sheegay in madaxda xariirka kubbadda cagta Soomaaliya uu ku da’daalay daryeelkooda iyo ka warqabkooda.

28-July 2019-Guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab,Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee X.K.Cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Hirshabeele Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo) gudoomiyaha dhallinyarada X.K.Cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud ayaa kulan barasho ah iyo kaftan la qaatay ciyaarayhanada xulka da’yarta mas’uuliyeenta ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in ay ilaaliyaan wadaniyada oo ah wax ugu weyn in ay xooga saaraan maadama ay yihiin ubaxa iyo ifaafalada horomarka kubbadda cagta Soomaaliya.

12-August 2019-Guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa kulan qado ah u sameeyay xulka da’yarta,macallimiintooda wuxuuna u jeedka ahaa in gudoomiyaha uu ugu mahad celiyay shaqada wanaagsan ay soo qabteen,wuxuuna kulankaa wabixin ka dhagaystay tababarayaasha xulka .

13-August 2019-Iyadoo ay tahay xili habeen ah gudoomiyaasha kooxaha Horseed iyo Elman DR.Maxamed Axmed Maxamed iyo Cabdirisaaq Faarax Cumar Garooje ayaa waqti wanaagsan xulka dhallinyarada kula qaatay garoonka jaamacadaha labada gudoomiye ayaa sheegay in ay ku faraxsaneeyaan sida wanaagsan ee loo barbaaray xulka da’yarta mudadii ay ku jireen xerada farsamada xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Isla 13-Augusta 2019-Macallimintaa iyo ciyaarayahanada 15 jirada ayaa ka dhoofay garoonka aadan cadde,iyagoo u safray magaalada Asmara ee wadanka Eritrea waxayna u aheyd badankooda markii ugu horeesay ay ka baxaan dalka,iyagoo socdaalkooda ahaa ka qeybgalka tartanka 15 jirada bariga iyo bratamaha Afrika 2019 ee (Cecafa Under 15),waxaana wajiada xulka laga darmeeyay farxad aad u weyn.

Da’yarta Soomaaliya ayaa ciyaaray ilaa afar kulan tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 waxayna ku jireen Group A waxaana ku wehliyay Group-ka wadamada Kenya,Burundi,Eritrea iyo Sudan.
16-August 2019-Kenya 3-1 Somalia (Match 1)


21-August 2019-Burundi 2-1 Somalia (Match 2)


22-August 2019-Somalia 2-0 Sudan (Match 3)


24-August 2019- Eritrea 1-1 Somalia (Match 4)


Xulkeena ayaa kusoo guulaystay abaal marinta ciyaar wanaag ama (Best Team) tartanka 15 jirada bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ay kaga qeyb galeen magaada Asmara ee dalka Eritrea,taageerayaasha xulka qaranka ayaa u mahad celiyay dhallinyarada da’aalka ay muujiyeen,iyagoo sanadaha soo aadan u rajeeyay in ay kusoo guulaystaan tartamada kale ee kusoo wajahan ee qaarada Africa..

30-Augsuta 2019-Iyagoo farxsan ayay dalka kusoo laabteen waxaan si heer sare usoo dhaweeyay waxaada dhallinyarada xariirka kubbadda cagta iyo gudoomiyaasha kooxaha iyo qaar ka mid ah waalidiintooda waxaana looga mahad celiyay wax qabadkii wanaagsan ay kusoo bandigeen tartankii ay kaga qeyb galeen dalka Eritrea.

13-September 2019-Madaxda Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kusoo gabagabeeyay wajiga kowaad waxaana lasoo bandhigay wixii qabsoomay wajiga hore waxa la qorsheeyay wajiga 2aad,iyadoo macallimiinta iyo ciyaaryahanada da’yarta la gudoonsiiyay abaal-marino qaali ah,iyagoo ku mutaystay wacdarihii ay kusoo bandhigeen magaalada Asmara ee wadanka Eritrea.

Halkan Ka Daawo Barnaamijka Waiga Kowaad Ee Xulka Da’yarta Oo Dhameystiran

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-[email protected]