U bood dhigaalka

Olgan Bekar: Turkiga Waxaa Uu Sii Wadi Doonaa Taageerada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa la sheegayaa in uu ammaaney doorashada dadban ee Soomaaliya taaso oo lagu wado in la soo gabagabeeyo 30-ka bishan.

Mr. Olgan Bekar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa Turkiga ay ka qeub-qaadayaan hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga waxaa ay ku jirtaa dowladaha taageera Soomaaliya, doorashadan waxaa ay ku bixisay ilaa 7 Mliyan oo Dollar, taas oo u dhiganta lacagta ay bixiyeen marka la isku daro beesha caalamka.

Turkiga wixii 2011-kii ka dambeeyay waxaa uu dalka ka hirgeliyay mashaariic iyo maalgeshigii ugu badaan, arrintaas oo wax badan ka badashay muuqaalka magaalada Muqdisho.