U bood dhigaalka

Ololaha Doorashada Somaliland Oo Gabogabo Ku Dhow

Sheeko:Dalka

Waxaa gabagabo ku dhow olalaha Doorashadda Maamulka Somaliland xilli bishaan lagu wado inay ka qabsoonto deegaannada maamulkaasi doorasho qof iyo cod ah.

11-ka bishaan ayaa lagu wadaa in lasoo gunaanado olalaha doorashada oo ay ku tartamayaan Saddex xisbo oo kala ah Kulmiye oo hadda talada haya, Wadani iyo UCID.

Xisbiga Taladda Haya ee Kulmiye ayaa sanadkaan waxa uu cadaadis badan kala kulmayaa xisbiga Wadani.

Xisbiyada gaar ahaan Wadani iyo Kulmiye ayaa bilaabay iney is dicaayadeeyaan si midba midka kale uga shacbiyad badnaado.

Xisbi walbo maalintiisa ayuu fagaare isugu keenaa boqolaal ruux oo ay ku muujinayaan taageeradooda.

Goobjoog News