U bood dhigaalka

Doorashada Turkiga oo Barri Dhaceysa iyo Ololihii Ugu Dambeeyay oo Dhinacyadu Wadaan

Sheeko:Caalamka

Waxaa heer gabagaba ah soo gaaray ololaha doorashada guud ee dalka Turkiga, madaxweyne Erdogan oo ah madaxweynaha ugu awoodda badan dalka Turkiga taladana haya, ayaa dagaal adag kula jira mucaaradka, xilli doorashada dhacaysa bari ay si adag ugu loolamayaan, dhinacyada xisbiyada Jamhuuriga iyo midka talada haya.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah ninka ay sida weyn ay u xifaaltamaan, ayaa jimcihii kasoo hor muuqday dad badan oo taageersanaa, oo ay garab taagnaayeen isbahaysiyo ka kala socday dhinacyada siyaasadda, oo si aan horay loo arag isugu soo baxay magaalooyinka ay ku xoogan yihiin xoogagga muucaaradka ah, isaga oo helaya taageero.

Markii uu roobku ka da’ay magaalada Ankara, ayaa wuxuu wacad ku maray Kemal inuu soo celin doono “nabadda iyo dimuqraadiyadda dalka Turkiga, waxaana uu carabka ku dhuftay inuu hagaajin doono xiriirka kala dhexeeya wadamada reer Galbeedka iyo dowladda Mreykanka sida uu sheegay hoggaamiyaha mucaaradka xilli uu hadlay.

Ninka uu doonayo in codbixiyeyaashiisu ay xilka ka tuuraan Kemal 20 sano ka dib ee – Recep Tayyip Erdogan – ayuu sheegay inuu Turkiga xukunkiisa uu ku dheereeday, maadaama uu markii sedexaad uu doonayo inuu xilka u tartamo madaxweyne Erdogan, hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ah nin siweyn ugu janjeera dhinaca Mareykanka.

Waxaa jira caqabado badan oo ay ka mid yihiin dhaqaale xumo, sicir barar baahsan, iyo musiibadii dhacday bishii February ee labada dhulgariir oo ku dhuftay dalkaas, taas oo ka dhigaysa middii labaad oo ugu dhimashada tan iyo sanadkii 1999-kii, markaas oo ay geeriyoodeen 17,000 ruux, halka 23 kale ay dhaawacmeen dhulgariirkaasi

Hoggaamiyaha mucaaradka Isagoo 74 jir ah , ayaa inta badan lagu tilmaamaa inuu yahay qof dabacsan marka la eego sida uu u furfuran yahay, waxaana uu hoogaamiyaa xisbiga Jamhuuriga uu hore u aasaasay Mustafa Kemal Atatürk, madaxweyhi hore ee dalkaas, xisbigaan ayaa inta badan saaxiibo iyo xulafo la ah dowladda Mareykanka.

Khudbad aad u weyn u jeediyay dadweynihii daawanayay, oo aaminsan in tani ay tahay rajadooda ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda, oo ay dib ugu soo celin karaan awoodda madaxweyne Erdogan, uu ka qaaday baarlamaanka, xilli madaxweyne Erdogan xisbigiisa haddii uu giileysto ay ka dhigan tahay in 25 sano ay ka talin karaan Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhankiisa taageerayaasha Xisbiga AK Partty waxaa uu u sheegay in dowladda uu hoggaamiyo 20 kii sano ee lasoo dhaafay ay wax badan qabteen iyo dhinac wax soo saarka, waxaana uu u ballan qaaday in ay wanaajin doonaan xiriirka arrimaha dibadda dowladdu la leedahay.

Maalinta barri oo taariikhdu ay ku beegan tahay 14-ka bisha May ayaa waxaa lagu wadaa in guud ahaa dalka ay ka dhacdo doorashada guud, shacabka dalkaa ayaa sanakaan  tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu ka baxayo ganaaxii la saraay sanadkii 1923-kii oo 100 sano oo hal qarni ah ay u buuxsantay sanadkaan 2023.

Goobjoog News