U bood dhigaalka

Olole nadaafadeed oo ka bilawday degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Degmada Boondheere ee gobalka Banaadir waxaa si rasmi ah uga bilawday olole nadaafadeed, taa oo ay iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo maamulka degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Boondheere Qasim C/laahi Xasan ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ololahaan uu yahay mid dib lagu soo celinaayo bilicda guud ee degmadaasi.

Waxaa kaloo uu sheegay gudoomiyaha in dhamaan ololahaan nadaafadeed degmada ay ka fulinayaan xilliyada habeenkii, maadaama maalintii wadooyinka ay yihiin mid aad u mashquul badan.

Dhanka kale Gudoomiye Qaasim ayaa digniin u diray shacabka degmadaasi taa oo ku aadan in ay ka fiirsadaan wadooyinka qashinka lagu soo shubo, isaga oo raaciyay in sharci adag taasi laga soo saaray.

Halkaan ka dhageyso Gudoomiyaha Degmada Boondheere oo aynu arintaasi ka wareysanay.

Goobjoog News