U bood dhigaalka

ONLF: Itoobiya Damac Badan Baa Uga Jira Qeyraadka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ururka ONLF ayaa sheegay in dowladda Itoobiya uu damac aad u weyn uga jiro sidii ay u qaadan lahayd guud ahaan kheyraadka Soomaaliya, sidaa darteedna ay u daadinayso dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan ONLF laguna magacaabo Cabdiqaadir Sheekh Xasan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dilal ka wadaan dhulka Soomaalida Itoobiya, islamarkaana aanay jirin cid la xisaabtanta.

Ka urur ahaan ayuu sheegay inay sii xoojinayaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen Itoobiya, kana hor istaagi lahaayeen boobka hantida Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale sarkaalkan ayaa ku eedeeyay dowladda Jabuuti inay dowladda Itoobiya ku taageerayso xasuuq uu sheegay in laga wado dhulka Soomaalida Itoobiya, waxaana uu ugu baaqay shacabka Jabuuti in arrinkaasi ay ka dhiidhiyaan.

ONLF ayaa ah urur dagaal kula jira Itoobiya, waxaana ururkani uu sheegaa inuu difaacayo Soomaalida deggan dhulka Soomaalida Itoobiya ama Soomaali Galbeed.

Goobjoog News