U bood dhigaalka

ONLF Oo Baaq u Dirtay Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Dalka

Ururka ONLF ayaa baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay tallaabo ka qaadaan cidda ka danbeysa  dhiibistii Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Afhayeen u hadlay ururkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in aqalka sare ee dalka ay ka dharagsan yihiin dareenka umadda Soomaaliyeed ay ka qaadeen arrintaasi.

Wuxuu sheegay in ONLF uu macno u leeyahay kulankani, islamarkaana baarlamaanku ay ka dhiidhiyaan farogalin uu sheegay in Itoobiya ay ku heyso dalka.

Waxa uu soo hadal qaaday kulankii golaha shacabka ee baaqday isagoo tilmaamay in baarlamaanku ay ka filayaan in Madaxweynaha iyo xukuumadda ay kula xisaabtamaan arrinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

“Waxaan baarlamaanka sharafta eh ka dalbaneynaa in ay tallaab adag ka qaadaan cid walbo oo ka dambeysay in Qalbi Dhagax loo dhiibo cadowga, annaga kulanka aqalka sare ka leeyahay arrintaan muhiim bay inoo tahay, waxaana fileynaa in natiijo Soomaalida oo dhan qalbiga u qaboojiya iney kasoo baxdo” ayuu yiri Afhayeenka.

Maanta oo Isniin ah, aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa iney ka shiraan sax ama qalad ahaanshiyaha go’aankii xukuumadda ee Qalbi Dhagax iyo dhiibistiisa intaba.

Goobjoog News