U bood dhigaalka

ONLF Oo Ku Dhawaaqday Xisbi Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Ururka ONLF ayaa maanta ku dhawaaqay inay sameysteen xisbi siyaasadeedoo ka qeyb geli doono doorashada Dowlad Deegaanka Soomaalida isla markaasna ka dhex muuqanayaa siyaasadda dalka Itoobiya.

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi (Maadeey) oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ONLF ayaa BBC u sheegay in si buuxda doorashooyinka soo socda ee dowlad deegaanka Soomaalida ay uga qeyb geli doonaan iyagoo isbahaysi ah oo ay iskaashanayaan xisbiyo ay bahwadaag yihiin oo ka dhisan gobolka soomaalida.

“Jabhadda xoreynta Ogaadenia 1991-kii ayay xisbi ka noqotay dalkan oo ay doorashada ka qeyb gashay oo maamulkii ugu horreeyay deegaanka Soomaalida ka dhistay, hadda soo noqoshadeeda, waxaan maanta shaaca ka qaadeynaa in si buuxda siyaasaddeedii dib ugu noqon doonto oo si nabadgelyo ah doorashooyinka soo socda uga qeyb geli doonto” ayuu yiri Maadeey.

ONLF ayaa dhammaadkii 2018-kii dib ugu soo laabatay dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyaga oo heshiis la galay dowladda Itoobiya.

Goobjoog News