U bood dhigaalka

ONLF Oo Rajo Xumo Ka Muujisey Isbedalka Cusub Ee Hoggaanka DDSI

Sheeko:Dalka

Jabhadda ONLF ayaa ka hadashay isbedalka lagu sameeyey hoggaanka cusub ee maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib markii xilka uu ka degay madaxweynihii hore ee maamulkaasi, islamarkaana madaxweyne cusub loo magacaabay.

Afhayeenka ururkan C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in aanay wax micno ah ku fadhin isbedalladan, islamarkaana aanu jirin wax soo kordhaya.

Waxa uu sheegay Hirmooge iney ahayd in Soomaalida loo daayo taladeeda, balse isbedalkaan uu yahay mid ku yimid cadaadiskii Milatariga Itoobiya.

“Kolley ma qabo iney wax soo kordhineyso middan, sababtoo ah waxay ku timid cadaadiskii Milatariga, shaqsiga xilka qabtayna wuxuuba ka mid ahaa raggii wasiirada ka ahaa maamulkii Cabdi” ayuu yiri Hirmooge.

Dhanka kale, Hirmooge ayaa soo jeediyey in shacabka Soomaalida ah iyaga looo daayo aayahooda si ay u sameystaan hoggaan la xisaabtamada Itoobiya, islamarkaana soo dhiciya wax walbo oo horey dadkaasi uga qaadatay dowladda Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigaye.

DDSI ayaa shalay loo magacaabay madaxweyne Cusub, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdi Iley uu xilkaasi iska casilay.

Goobjoog News