U bood dhigaalka

ONLF Oo Sheegtay In Itoobiya Ay Ka Dambeyso Dadkii Ay Dileen Ciidanka Liyuu Boolis

Sheeko:Dalka

Ururka ONLF ee dagaallada kula jira dowladda Itoobiya ayaa sheegay in shacabkii maalin kahor lagu laayey deegaanno ku dhaw xad ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dambeyso dowladdaasi.

Sheekh C/laahi Xasan oo ah taliyaha ciidanka ONLF gobolka Jarar ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in loogu tala galay in la laayo shacabka aan waxbo galabsan ee ku dhaqan dhulka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa deriska la ah.

Weerarkii ka dhacay deegaan ku dhaw degmada Burco ayuu sheegay taliyaha inay ku dhinteen dad gaaraya 45 qof, sidoo kalena ay barakaceen boqolaal qoys.

“Ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyaadka harraadsan ee loo bixiyey Liyuu Boolis ayaa shacabkaan si wadajir ah u laayey, dowladda Itoobiya waxbay ka ogtahay weerarkaan iyada ayaana raali ah in dadka sidan loo gumaado” ayuu yiri Sheekh C/laahi.

In ka badan 40 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey in ciidanka Liyuu Boolis ay ku dileen tuulada Jaamac Dubad oo ka tirsan deegaanka Gaashaamo kaasi oo qiyaastii 220 KM u jira magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Goobjoog News