U bood dhigaalka

Ookiyaalo Smarti Ah Oo La Soo-saaray

Waxay u muuqataa wixii aan markii hore ku maqli jirnay qisooyinka khiyaaliga ah ama aan ku arki jirtay aflaamta ay dhaboobayaan maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa soo baxay ookiyaale Smarts-ka ah oo markii aad xirato aad dareemayso inaadan u baahneyn teleefoon, laptop, kaamiro ama lab aad ku waynaysato sawirrada yaryar ee cilmibaarista u baahan.

Hadaba, waxaan idiin soo bandhigaynaa 8 ka mid ah murayaadaha indhaha kuwooda ugu fiican adduunka 2018.

1-  Samsung SSG-5150GB 3D Active Glasses

Ookiyaalahan waa mid ku habboon dadka aflaamta jecel, waxaad ka helaysaa tijaabada muuqaallada 3D oo aad u heersarreeya iyo sawirro tayo sare leh oo si wayn loo diyaariyay.

Miisaankeedu ma cusla oo ma dareemaysid inaad xambaarsan tahay miisaan aadan xamili karin. Waxaa la socoda labo barti oo muddo dheer ku haynaya oo nooca CR1620-ka ah, waxaad wax ku daawan kartaa 70-saacadood oo xiriir ah.

2- CHEMION-Unique Bluetooth LED Glasses

Aragtideeda koowaad ayaaba leh raad goonni ah, markaad doonayso inaad noqoto qof dadka kale ka duwan waa doorashada ugu wanaagsan,

Habeenkii si wanaagsan ayaa wax loogu arki karaa.

Aad ayay u fududdahay waa la laalaabi karaaa, waxayna ku wanaagsan tahay dadka music’s-ka dhagaysta.

3- WONFAST Bluetooth Sunglasses

Waa ookiyale qoraxeed casri ah, waxaa laga heli karaa midabbo kala duwan, waxaad ku xiran kartaa 8-moble oo kala duwan oo halkaa aad kala sheekaysan karto asxaabtaada, waxayna ku habboon tahay dadka xafiisyada ka sheeqay iyo haweenka guriga jooga labadaba, waxayna si wanaagsan ula shaqeynayasaa qalabka iPhone, IPad, iPod, dadka haysta.

4- 3M Smart Lens Protective Eyewear

Waa ookiyaale badbaadiye ah, waxa uu ku habboon yahay goobta shaqada iyo nolol maalmeedka caadiga ah, inadha ayaa waxay ka ilaaliyaa wasakhda aan laga dheeraan karin xilliga shaqada.

Ookiyaalahan ayaa ku habboon dadka baaskiilladda ku kaxeeya waddooyinka dhaadheer.

5- WISEUP 16GB 1920x1080p

Waxa uu wataa kaamiro yar oo shay kasta aad ku sawiran karto adigoon wax shakhi ah gelin dadka ku hareeraysan, waxaad ku sawiran kartaa dhacdooyinka qoyska ee sida sanad laha ah oo aad kaga reeban karto sawirro taariikhi ah adigoon cidna shaki gelin. Qof kastana dabeecaddiisa caadiga ah ku sawiranaya.

Waxay u wanaagsan tahay ardayda doonaya iney duubtaan muxaadaraadka jaamacadaha, halka qofka maamulka ah uu ku sawiran karo habdhaqanka shaqaalihiisa si sir ah gudaha goobta shaqada. 

6- Vuzix M100 Smart Glasses

Marka aad dooneyso inaad hesho ookiyaale kuu gala booska Teleefoonka Smarts-ka ah, waxaad ka qaban kartaa wicitaannada kala duwan, waxaad ka diri kartaa farriimo oo laguugu soo diri karaa.

7- Epson Moverio BT-200 Smart Glasses

Ookiyaalahan waxa uu ku habboon yahay culumada caafimaadka daahrogayaasha, cilmibaarayaasha doonaya iney wax weynaystaan, waxay ku waynaysan karaan sawirrada yaryar ee in aadka loo weynayo loo baahan yahay.

8- ICE Theia Glares

Waa ookiyaale qorraxeed in la xirto ku habboon, waxaana lagu isticmaali karaa dhammaan mobile-llada Smarts-ka ah oo dhan oo lagu xiran karo, waxaad ka dhex dirsan kartaa taleefoon, kan kuu soo dhaca ayaad ka dhex qaban kartaa, waxa uu leeyahay camera aad u heersarreysa si automatic ah u shaqeynaysa, muuqaallada aad doonto ayaad ku duuban kartaa, waxaa lagu diyaariyay camera aad u heersarreysa, waxaanuu  leedahay Bluetooth.

Goobjoog News