U bood dhigaalka

Orodyahanadii Guusha U Soo Hooyay Soomaaliya Oo Muqdisho Loogu Qabtay Kulan Dhirii Gelin Iyo Bogaadin Ah

Sheeko:Cayaaraha

Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa kulan bogaadin iyo hambalyo ku aadaneyd guushii Ciyaartooyda xulka qaranka ciyaaraha Fudud ku qabtay caasimada Muqdisho,iyagoo fariimo kala duwan u diray macalimiintii iyo xidigihii soo hooyay gushaas taariikhiga ah.

Hadaba Halkan Ka Aqriso Sida Ay Kaalama U Ka Galeyn Ciyaartooyda Soomaaliya

Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka.

Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay  ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka.

Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa  bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaad inuu biladda  maarta   hanto.

Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa kua dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka    qaybtiisa 1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan.

“Xiriirka Ciyaaraha fudud waxa uu waqti geliyay dhalinyarada sharafka iyo guulaha u soo hoyay qarankeena way naga go’an tahay in aan maal iyo maskax ku bixino xirfadlayaasha matalaya calankeena iminkana waxaa inago soo wajahan tartamo kale waa in aan si wadajir u taageernaa ciyaartooydeena” waxaa sidaas Goobjoog ugu warantay  guddomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan Daahir.

“Dadkan inta badan waxa ay xiisanayaan kubbadda cagta iyo kubbadda kolayga waxa aan ku biiri lahaa wasaaradaha isboorrtiga dalka in xooga saaraan ciyaaraha fudud Soomaaliyana ay guul waaweyn ka gaari karto hadii si dhab loogu soo jeesto waxaa sidaas yiri guddomiyihii hore Gobolka Banaaadir Caddow Gabow horayne u soo noqday xoghayii guddiga Olomikada.

“Aniga oo ku hadlaya magaca wasiirada ciyaaraha Maamul Goboleedyada waxaan idin cadaynaa in aan bogaadinayno dhalinyaradii guulaha kasoo hooyay tartankii ka dhacay Jabuuti waxaan garab taaganay xiriiida iyo wasaarada ciyaaraha dowladde dhexe si maqaaka aan iminka joogo ugu hormarino” waxaa sidaas yiri Cali Dhuux Maxamed oo bishii lasoo dhaafay loo magacaabay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed.

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadija Maxamed Diiriye ayaa bogaadisay xidigaha ciyaaraha fudud,iyadoo balan qaaday in ay dowladda garab taagan tahay ciyaartooyda kala gedisan ee caalamka ugu qeyb galaya tartamada heer qaran.

Xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa  sanadki 2017 ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sareeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah

Halkan Ka Daawo Hadaladii Dhiira Gelinta Ahaa AY Direyn Madaxda Isboortiga Dalka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/414256026001317/

Maxamed Xuseen Qalinle