U bood dhigaalka

Oromada Itoobiya oo Gadooday, Kuna Dhawaaqay Qorshe Gooni  isu Taagid ah

Sheeko:Dalka

Rabashado, Dibad baxyo iyo dagaal is ceyrsi ah ayaa ilaa November bilowgeedii ka socda magaalooyinka ay degaan Oromada ee dalka Itoobiya taasi oo keentay in dad badan ay ku dhintaan.

Qowmiyadda Oromada ayaa ka dibad baxaya waxa ay ugu yeereen jiritaankooda kadib markii ay dowladda Itoobiya ku sameysay dhul ballaarsi iyagoo hirgalisay qorshe loo bixiyay Master Plan, sidaa waxaa sheegay Afhayeen u hadlay dadka Oromada.

Qowmiyadda Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya, Itoobiya kaliya waxaa ku nool in ka badan 25 Milyan oo u dhasay Oromo, waxaa dalka ka taliya dadka laga tirada badan yahay ee Tigreega.

Qowmiyaddan waxaa ay ka sheeganayaan  dhibaato, waxaa lagu soo xadgudbay dhulkooda, waxaa laga dilay in ka badan 100 qof tan iyo markii ay dibad baxyada bilowdeen horraantii November, waa markii ay ka go’I lahaayeen dalka Itoobiya sidaa waxaa ku qeyliyay qaar ka mid Jaaliyadaha Oromo ee dibadda ku nool.

Abiy Berhane oo ku sugan Safaaradda Itoobiya ee Ingiriiska ayaa sheegtay in 5 qof ay ku dhinteen, iyadoo ku eedeysay dibad baxayaasha in ay yihiin qas wadayaal.

Ninka ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ka hortagtay in dalka uu ka djaco Xasuuq, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta Amnesty International ay soo jeedisay.

Amnesty International ayaa December 16, daabacday in dowladda Itoobiya u marmarsiyootay Qowmiyadda Oromo, ku sheegtay in ay argigixiso yihiin ay keeni karto dhibaato xagga xuriyadaha ah” sidaa waxaa sheegay Madaxa hay;adda ee bariga Afrika Muthoni Wanyeki.

Sabtidii December 19, 2015 Hay’adda Human  Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay dishay ilaa 75 ka tirsan qowmiyadda Itoobiya, arrintaas oo ilaa iyo hadda aanay ka jawaabin dowladda Itoobiya.