U bood dhigaalka

Oxfam: Hantida 8 Qof ee Dunida Ugu Taajirsan Waxay Udhigantaa Inta Ay Haystaan Kala Bar Dadka Dunida

Sheeko:War

Ururka gargaarka dunida ee Oxfam ayaa soo saartay liiska 8 qof oo dunida ah oo haysta hantida kala bar dadka dunida ugu faqiirsan.

Global Relief Foundation (Oxfam) oo baahisay warbixin ay soo saartay Isniinta maanta oo ay  sheegtay in 8 ruux oo kaliya ay haystaan hanti u dhiganta kala bar dadyowga ugu faqiirsan dunida, waxayna ku baaqeen in mushaar dhimis lagu sameeyo xubnaha liiskan hoggaaminaya.

Iyadoo ay jirto in dadka siyaasadda go’aamiyaan iyo tiro ka mid ah dadka qaniga ah ee ugu taajirsan adduunka, iney ka qeybgalayaan shirka dhaqaalaha caalamka ee Davos, warbixinta Oxfam ayaa lagu sheegay in kala duwanaanta dhanka hantida ay sidii hore ka sii adag tahay, waxaana jira warbixinno ka imanaya China, India, in nuska ugu faqriga badan ee dadyowga caalamka ay haystaan hanti ka yar tii markii hore ay haysteen, taas oo ka dhigan in dadka taajiriinta ah ay hantidoodu sii korayso, dadka faqriga ahna xaaladdu ay ku sii xumaaneyso.

Oxfam ayaa sheegtay in gaabka u dhexeeya hantiilayaasha dunida ugu iyo dadka faqriga ah uu yahay mid aad u sarreeya, sanadka 2016, 9 qof ayaa waxay leeyihiin hanti u dhiganta 3.6 billion oo qof oo dadka ugu faqrisan dunida ah.

Sanadkii 2010, 43 shakhsi ayaa u dhiganta iney haystaan hanti  u dhiganta % 50, hantida ay haystaan dadyowga ugu faqrisan dunida, tusaale ahaan.

Max Lawson oo ah madaxa siyaasadaha Oxfam ayaa yiri; “Waxaa jira waddooyin kala duwan si loo maareeyo ra’samaaliyadda, taas oo faa’iido badan u keeni karta inta badan dadka dunida”.

Oxfam warbixinta ay soo saartay waxay u cuskatay xogo ay u uruuriyeen; Forbes magazine iyo shaxaha bankiga credit suisse swiss bank.

Sideedda qof oo magacyadooda la soo saaray:

Bill Gates, Ortega, Warren Buffett, Carlos Slim, Jeff Bozos’, Mark Zuckerberg, Oracle’s  Larry Ellison and Michael Bloomberg.

Goobjoog News