U bood dhigaalka

Oxfam Oo Wajaheysa Fadeexad La Xiriirta Kufsiga Dad Gargaar Uga Baahnaa

Sheeko:Dalka

Hey’adda samafalka Ingiriiska ee Oxfam ayaa waxaa ay wajaheysaa eedeymo la xiriira xad-gudubyo dhanka galmada ah, oo ay shaqaaleheedu ka geysteen dalalka Chad, Haiti iyo Koofurta Sudan.

Hey’adaha Qaramada Midoobey ee gargaarka aya lagu eedeeyay in 10-kii sano ee la soo dhaafay ay falal anshax-darri ah iyo kufsi kula kaceen in ka badan lixdan kun(60,000) oo qof.

Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Haiti Jovenel Moise ayaa cambaareeyay hab-dhaqanka shaqaalaha hey’adda Oxfam, taas oo uu ku sifeeyay in ay tahay mid sharaf daro iyo qiyaano ah.

Madaxweynaha oo Talaadadii  ka hadlay fadeexaddan ayaa sheegay in aysan jirin wax ka daran sharaf darrida iyo khiyaannada ay ku kaceen shaqaalahaasi oo ay uga faa’iideysanayaan dadka gargaarka u baahan.

Helen Evans, oo aheyd madixii hore ee ilaalinta xaquuqda caruurta ayaa sidoo kale wax ay ka digtay xad-gudubyo ka dhan ah caruur  boqolaal gaaraysa oo si taba-rucaad ah ula shaqeeya hey’adda.

Madaxda hey’adda ayaa la kulmay cadaadis xooggan markii ay soo ifbaxday fadeexadda ku saabsan in shaqaalaha gargaarku ay falal galmo ah ka geysteen dalalka Chad iyo Haiti.

Evans ayaa u sheegtay tv-ga  Channel 4 News in baaritaan ay samaysay intii u dhaxaysay 2012-2015 lagu ogaaday xad-gudubyada dhanka galmada ah oo ka dhacay xafiisyada Oxfam.

Baaritaankan oo lagu sameeyay 120 ka tirsan shaqaalaha hey’adda oo ka howlgelayay 3 waddan ayaa waxaa lagu soo bandhigay 11 ilaa 14 qof kuwaas oo tilmaamay in ay marqaati ka ahaayeen xad-gudubyadaas ay geysanayeen shaqaaluhu halka qaarkoodna ay sheegeen in ayaga lagula kacay.

Waxaa la tilmaamay in 7% shaqaalaha ka hawgala South Sudan ay goobjoog u ahaayeen xad-gudubyada ay geysanayeen, halka qaar kamid ahna ayaga lagula kacay falal kufsi ah.

Eedeymahan loo soo jeediyay hey’adda ayaa caro badan ka dhalisay dalka Britain halkaas oo ay Oxfam  ka hesho lacag gaaraysa £31.7 million (35.7 million euros), oo u dhiganta $43.8 million taas oo ay bixiso dawladdu.

Qaar ka mid ah dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in fadeexaddan ay keenayso in Britain ay ka fakarto sidii ay usii wadi laheyd  0.7 % oo daqligeeda ka mid ah oo ay ku qarashgarayso gargaarka ay dibadda siiso.

Goobjoog News