U bood dhigaalka

Pakistaan Oo Soomaaliya Ka Gacan Siineysa Dhismaha iyo Qalabeynta Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Maanta Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka  kulan kula qaatay Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowladda Bakistaan u jooga Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl.

Kulan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaasha Ciidamada Baddaiyo Cirka,waxaana ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janaral Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in Dowladda Bakistaan ay Gacan ka geysaneyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka

Uqaabilsanaha Arrimaha Ciidamada Dowlada Bakistaan u jooga Dalka Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Bakistaan ay Soomaaliya ka taageeri doonto tababarada iyo qalabeynta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Goobjoog News