U bood dhigaalka

Pakistan Oo Soo Ridday Diyaarado Laga Leeyahay Dalka India

Sheeko:Dalka

Dowladda Pakistan ayaa shaacisay in ay soo ridday Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka India, kadib markii ay soo galeen hawada dalkaasi.

Gen. Asif Ghafoor oo ah afhayeen u hadlay ciidanka Pakistan ayaa sheegay in diyaaradahan ay soo galeen hawada Kashmir, dhanka ay Pakistan maamusho.

Sidoo kale, Afhayeenkan ayaa sheegay in ay diyaaradahan mid ka mid ah ay kusoo dhacday gudaha dalkooda, halka midda kale ay ku dhacday dhanka India.

Gen. Asif Ghafoor ayaa xaqiijiyey iney nolosha ku hayaan duuliye ka tirsan dalka India.

Dowladda India ayaa shalay shaacisay iney duqeysay xarumo ay lahaayeen kooxda Jesh Mohamed oo sheegtay qaraxyo lagu laayay askar ka tirsan dalkaasi.

Xiisadda u dhaxeysa Pakistan iyo India ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, iyadoo xaaladda Labadan dal ay meel adag mareyso.

Goobjoog News