U bood dhigaalka

Pakistan: Waxaan Dilnay 100 Qof Oo Argagaxiso Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada wadanka Pakistaan ayaa waxay sheegeen inay dileen 100 qof oo ay ku tilmaameen inay yihiin xagjiriin  dilkaan ayaa waxa uu dhacay xilli ay ciidamda ay hawlgallo ay ka wadeen dhamaan daafaha waddankaasi ,waxayna xireen xaduudka u dhaxeeya Pakistaan iyo Afghaanistaan , ka dib qarax ka dhacay  waqooyiga Pakistaan .

Qaraxa ka dhacay Pakistaan ayaa waxa uu sababay dhimashada 90 qof halka ay ku dhaawacmeen 250 kale ciidamada ayaa waxay sheegeen inay socdaan hawlgalka lagu xaqiijinaayo amaanka .

Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa waxay dileen 18 qof oo lagu tuhmay inay xiriir laleeyihiin ururka Daacish sidoo kale mas’uul ka  tirsan sirdoonaka ayaa waxa uu sheegay in galbeedka waddanka Pakistaan lagu dilay 9 qof  oo uu ku tilmaamay inay yihiin xagjiriin .

Waddanka Pakistaan ayaa xiray xaduudka uu lawadaago Afghaanistaan ,waxa ayna sheegeen ciidamada inay u xireen xaalado ammni awgeed iyagoo dusha uga tuuray Afghaanistaan inay ka dambeysay qarixii ka dhacay Pakistaan .

Saraakiisha ciidamada ayaa waxay u yeereen Diplomaasiyiin u dhashay waddanka Afghaanistaan ,waxayna u dhiibeen liis ay ku qoranyihiin 76 qof oo  la doonayay  ayna ku suganyihiin dadkaasi Afghaanistaan waxayna qorsheynayaa inay fuliyaan weeraro ka dhan ah Pakistaan.

W/Q: Jaamac Shidane