U bood dhigaalka

“Pep Guardiola dabada ayuu naga laadi jiray tababar walba” – Thomas Muller

Sheeko:Cayaaraha

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa ka sheekeeyay ka hoos shaqeynta Tababare Pep Guardiola iyo xeeladihii uu sameyn jiray markii uu macallinka u ahaa Bavarians.

Muller ayaa soo hadal qaaday qaabkii uu Guardiola u sameysan jiray tababarka iyo sida uu u dhiiro gelin jiray xiddigahiisa.

Faa’idada ugu weyn ee ay haysteen Bayern ayaa ahayd inay soo dhammeysteen sanad ciyaareed guulo ah oo uu ku hoggaamiyay macallinkii shaqada isaga fariistay ee Jupp Heynckes markii uu shaqadan la wareegayey Pep Guardiola.

“Ma aynaan haysan waqti aan ku nasanno guulaheenna, maxaa yeelay Pep ayaa dabada naga laadayay tababar walba, wuxuuna noo sheegay inay dadka tusno inaan horyaal kale isagoo jooga qaadi karo” ayuu yiri Muller.

“Mar walba Guardiola qorshe ayuu nala dajin jiray, haddana toban daqiiqo kaddib afar ilaa shan qorsho oo kale ayaan helaynay, mar walba wax ayuu beddelayay.”

Xiddiga Jarmalka ayaa intaas ku daray in tababaraha haatan Manchester City hoggaamiya uu daawan jiray kooxda ka soo horjeedda, haddii uu arko in qorshihiisa uu socon waayana waxa uu la imaanayay qorsho kale.