U bood dhigaalka

Phillppin Oo Sheegtay In Ay Joojisay Shaqaalihii Ay U Diri Jirtay Kuwait

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dalka Philippin Rodrigo Duterte ayaa sheegay in la joojiyey shaqaalaha dalkiisa u dhashay oo shaqo ahaan ugu safri jiray dalka Kuwait, ka dib markii xiisad ay soo kala dhexgashay xiriirka labada waddan.

Rodrigo Duterte ayaa horay xayiraad ku meel gaar ah ugu soo rogay in shaqaalaha ay u safraan Kuwait ka dib markii bishii Febraayo lagu dilay Kuwait gabar adeegto aheyd una dhalatay Philippin.

Balse Axaddii oo madaxweynaha saxaafadda kula hadlay magaalada Davao ayaa sheegay in gabi ahaan Philippin ay joojisay shaqaalihii ay u diri jirtay Kuwait ,Rodrigo Duterte oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri “Xayiraadda shaqaalaha si joogta ah ayey u socon doontaa, shaqaalo dheeri ah loo diri maayo Kuwait, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya guryaha oo loo yaqaanno adeegtooyinka”.

Duterte ayaa ku tilmaamay qaabka ay Kuwait ula dhaqanto shaqaalaha mid Musiibo ah, waxaa uuna ugu baaqay muwaadiniintiisa in ay ka soo tagaan waddankan hodanka ku ah Naftada waxaa uuna yiri “Waddanka u soo laabta, annaga oo indhaheenna ka dabooleyna heerka ay gaarsiisantahay saboolnimadeenna. Waa noolaan doonnaa, dhaqaalahana waa uu wanaagsanaan doonaa, waxaan dhimeynaa tirade shaqaalaha”.

Kuwait waxaa ku nool ku dhowaad 260 kun oo shaqaale ah una dhashay Philippines, Duterte waxaa uu u ballan qaaday in la caawin doono marka ay waddanka ku soo laabtaan.

Goobjoog News