U bood dhigaalka

Prof Afyare Cabdi oo Sheegay in Dalka Aysan Ka Dhici Karin Doorasho Qof iyo Cod Ah

Sheeko:Dalka

Prof Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qadar islamarkaan wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo inn kale waxa uuna carabka ku adkeeyay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qabyo ah.

Afyare oo sii hadlay ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn doorasho qof iyo cod ah taas oo ka dhacdo gees ka gees Soomaaliya isaga oo yiri “Doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda gees ka gees ma u maleynaayo inay taas hadda jirto sababtana wax kale maa ahane dowlad hadda dalka dhan gacanta ku haysa maba joogtaba haddiiba ay wax dhacayaan waa inay dhacaan wax qabyo ah”.

Dhanka kale Prof Afyare ayaa tilmaamay in haddii dhamaadka sanadkaan ay dowladdu keeni weyso xildhibaanno cusub in iyada uun laga doonayo in sameyso hab lagu heli karo doorasho maadaama dadka oo dhan ay wada sugaan doorasho waqtigeeda ku dhacda.

“Hadda dhibaatooyin badanaa jiray saas oo ay tahay dowladu ayaa isbadalayay horaa loo soconaayay haddii rabitaan jiro oo madaxdu ay ka go’an tahay way sameyn karaan wax uun way sameyn karaan waxaasi waa inay iyagu ka heshiiyaan” ayuu yiri Prof Afyare.

Sidoo kale Afyare Cabdi mar aan wax ka weydiinay in dowladda haatan ay ku dhaqaaqi karto muddo kororsi ayaa ku jawaabay”Walaahi anigu hadda muddo kororsigu sida uu ku imaan karo ma aqaano labo wadduu ku yimaadaa sharciga inuu ogolyahay iyo in siyaasad ahaan looga heshiiyo laakiin qodob aan ogahay oo ay cuskankaraan iima muuqdo”.

Ugu dambeyn waxa uu carabka ku dhuftay in maamulada qaar ee dalka ka jira aysan xiriir wanaagsan la lahayn dowladda dhexe taasina ay horseedi karto inaysan dalka ka dhicin doorasho qof iyo cod ah.

Dadka sida aadka ah u falanqeeya arrimaha doorashooyinka ayaa qaba in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah xilli dowladdu ay ku adkaysanayso in doorashadaasi ay dalka ka qabsoomi karto.

Halkaan ka daawo wareysiga

Goobjoog News