U bood dhigaalka

Prof. Dalxa: Gaabis ayaa ku yimid gargaar u fidinta barakacayaasha

Sheeko:Dalka
Prof.Maxamed Cumar Dalxa
Prof.Maxamed Cumar Dalxa

Guddiga arimaha dibada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la gacan togaaliyo gargaarka loogu tala galay qoysaska ku barakacay dagaalada ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xarakada Al-Shabaab ku dhax maraya gobolada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka guddigaas Prof.Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ay jirto gaabis xaga gargaarka ah oo la gaarsiiyo qoysaska barakacayaasha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay qaado tallaabo kasta oo lagu maarayn karo gargaarka dadka ku nool gobolada ay abaaruhu ka jiraan.

Waxa uu xusay in si wayn loogu baahanyahay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa shacabka ku xayiran goobaha lagu dagaalamayo, isla markaana ku hos nool xaaladaha cakiran ee soo food saaray oo ay ugu wayntahay colaada iyo abaarta.

Hoos ka dhageyso codka Dalxa: