U bood dhigaalka

Prof Geedoole oo Xukuumadda Siilaanyo Kula Taliyay Hagaajinta Xiriirka Beesha Caalamka

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa ugu baaqay kuxuumadda madaxweyne Siilaanyo iney ilaaliso xiriirka Beesha Caalamka oo baryihii dambe soo xumaanayay.

Wasiir Geedoole oo horey u soo qabtay  wasaaradaha Beeraha iyo waxbarashada Somaliland oo haddana ka tirsan isbaheysiga isbedel doonka Kulmiye oo maalinimadii shalay ku biiray xisbiga Waddani ayaa maamulka Siilaanyo ugu baaqay iney wanaajiyaan xiriirka beesha Caalamka oo baryihii dambe aad u soo xumaanayay.

Faarax Cilmi oo la hadlay wargeyska Geeska ee ka soo baxa gudah maamulka ayaa xukuumadda Siilaanyo xasuusiyay inaan laga maarmin Beesha Caalmka, waxa uu yiri; “Somaliland waa iney ilaaliso xidhiidhka Wadamada Caalamka iyo Wadamada mandiqadda ee aynu jaarka nahay, maxa yeelay; kama maarmayno, sidoo kale Somaliland waa iney ilaaliso isku xidhka iyo wanaajinta muwaadiniinta Somaliland, Shacabkuna meel kasta oo ay joogaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waa iney isku duubnaadaan, oo qaranimadooda iyo nabadgalyadooda ilaashadan”.

Kalsoonidii Beesha Caalamku ay ku qabtay maamulka Somaliland ayaa aad u daciiftay, ka dib markii madaxweyne Siilaanyo uu waxba ka soo qaadi waayay codsi uga yimid beesha caalamka oo looga dalbanayay inaan la kala qaadin doorashooyinka Madaxtooyada iyo tan wakiillada.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada