U bood dhigaalka

Prof. Jawaari oo si diiran loogu soo dhoweeyay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigan ayaa ka tagay markii hore magaalada Muqdisho,waxaana si aad ah loogu soo dhoweeyay magalada Baydhabo.

Waxa ku jira wafdigan  guddoomiyihii hore ee barlamaanka kumeelgaarka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool.

Jawaari ayaa Baydhabo kula kulmi doona wax garadka iyo madaxda gobolka, waxaana lagu wadaa in uu kala hadlo sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadaha ku qotoma dhanka maamul u sameynta goboladaas ee ka taagan Baydhabo.