U bood dhigaalka

Prof Yaxye Caamir: Barnaamijka Baxnaano Dowladdu Wax Shaqo Ah Kuma Lahan

Sheeko:Dalka

Yaxye Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda bartay dhaqaalaha ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in barnaamijka Baxnaano oo ay dowladda federaalka ah daah furtay in dowladdu aysan wax shaqa ah ku lahyn islmarkaana barnaamijkaan ay iska kaashadeen hay’ado caalami ah sida World Bank iyo UNICEF.

Professor-ka oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in barnaamijka baxnaano uu yahay ugu horreyn mid aaney dowladda Federaalka Soomaaliya waxba ku darsan; laakiin abaabulkiisa ay iska lahaayeen World Bank, WFP iyo UNI

Yaxye Caamir  ayaa waxa uu ku tilmaamay barnaamijka Baxnaano ee dhowaan ay daahfurtay dowladda Federaalka Soomaaliya mid aflagaaddo ku ah shacabka Soomaaliyeed oo lagu dulminayo.

“Horta baxnaano aan ku hormaro, wax dowladda Soomaaliya ay shaqo ku leedahay maaha, ka hor ayaa la dejiyay, bankiga adduunka, WFP iyo Unicef, ayaa iska kaa shanaayay, mashruuc muddo soconaaya ayuu ahaay, iyagaa gacanta ku haayay. Dowladda in meelaha la geynaayo soo sheegta la yiraahdo mooyaane shilinna kuma laha, fulintiina weli waa la isku haystaa” ayuu yiri Prof. Yaxye.

Dhanka kale, Yaxye Caamir waxa uu ku tilmaamay mashruucan inuu yahay mid ihaano ku ah bulshada Soomaaliyeed oo aanuu u qalmin:

“Teeda kale, qoyska waxa uu helayaa saddex doolar iyo bar, waana halmar sanadkii, Soomaali ahaan ihaano ayey ku tahay, caay ayey ku tahay, muwaadinka Soomaaliga World Bank iyo WFP ay yiraahdaan halkii sanno Ayaan waxaan siineynaa saddex doolar iyo bar logical maaha. Maalintii celceliska ayaa la yiraahdaa qofkani waxa uu ka hooseeyaa hal-doolar, mujtamcan waxa uu ka hooseeyaa saddex doolar ayaa la yiraahdaa, laakiin wax sanadkii hal mar soo marayay saddex doolar iyo barna ah horta aflagaaddo ayey u eeg tahay iyo in caalamku na dulminaayo. Laakiin sadaqada iska qaado, waan baahananay waxba looma qaato’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof Yaxye.

Si kastaba, April 18, ayaa madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu daahfuray barnaamijka Baxnaano oo dhaqaalo lagu siinayo, sida la sheegay, qoysas dan yar ah, iyadoo wejiga koowaad ay ka faa’idaysan doonaan 1.3 milayn oo qof.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/250494692809023/?t=128

Goobjoog News