U bood dhigaalka

Professor Xasan Sheekh Cali “Waa in La Qabtaa Doorasho Ku Saleysan Rabitaan”

Sheeko:Baarlamaanka

Professor Xsan n Sheekh Cali oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, kuwaas oo la xiriira doorashooyinka dalka oo muran uu ka taagan tahay qaabka loo wajahayo waxaana dib u dhaca doorashada eeddeeda sida uu sheegay qaadanaya madaxweyne Farmaajo.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waqtigiisa 8-da February ayuu ku egyahay 7-da February  heshiis waa uu gaari karaa, waa la heshiin karaa, heshiiskii isaga lagu doortay diiwaankaas waxaa uu yaallaa xafiiska, haddii 7-February lagu heshiiyo 8-da waa la billaabi karaa, laakiin waxaa la raba rabitaan, waxaan ma hawl qaran baa mise waa hawl isagu uu leeyahay oo October oo kale ah Xisbiga Hanti wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed doorasho ah miyaa la qabanayaa mise doorasho la isla leeyahay” ayuu yiri Professorku.

Sidoo kale, Professorka oo sii hadlaya ayaa yiri” 8-da February waa in la tagaa iyadoo heshiis la yahay oo wax kasta la dhammeeyo, waa  in doorashadu dhacdo, iyadoo heshiis la yahay ha la tago February  doorasha, May illaa June hala qabto dhib kama taagna, dadku waxay ka walwalsan yihiin iyadoo aan doorashadii la qaban oo aan la heshiin ayuu waagu noo baryey, iyadoo aan la heshiin madaxweynihiina waqtiga uu ka dhammaaday xaggee la aadaa marka.

Dhanka kale, Professor Xuseen Shiikh ayaa sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay intuusan waqtiga ka dhammaan inuu dadka la heshiiyo” Saacad kasta oo 8-da February  ka horreeysa madaxweynaha waxaa u furan inuu dadkiisa la heshiiyo, inuu aqbalo doorashadu in ay tahay National Issue oo aysan ahayn Personal Issue, sidii shalay uu ugu kalsoonaa doorasho nin kale qabanaayey illeen isagaa dhaqaalihii iyo ciidankii faraha ku hayee wixiisa ha habeysto haddii uu helo waakaas, haddii uu waayana raggii ka horreeyeyba waa ay waayeen” ayuu yiri Xuseen Sheekh.

Hadalka Professorka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo khilaafka iyo muranka doorashada ka taagan ee u dhaxeeya dowladda Federalka, madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo midowga Musharraxiinta uu gaaray meeshii ugu sarreysay iyadoo la isku fahmi la’yahay qaabka xukuumaddu ay dooneyso in doorashada ay u dhacdo, waxaana 48-kii saac ee tagay Muqdisho ka socday kulammo gaar gaar ah oo ku aaddan doorashooyinka dalka.

Goobjoog News