U bood dhigaalka

Professor Salaabeen Yuusuf Cabdi “Maamuladaan La Dhisayo Waxaan u Arkaa Qabiilka Oo Shaati Kale Loo Xiray” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Professor Saleebaan Yuusuf Cabdi oo wax ka dhiga Mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala magaalada Hargeysa ayaa sheegay in nasiib darro uu u arko dhamaan maamulada haatan loo dhisayo qaar ka mid ah gobalada dalka iyo kuwii horay usii jiray.

Waxa uu sheegay Professor in aragtidiisa ay tahay in dhamaan maamulada la dhisay ee ku dhisan hanaanka federaalka in ay la mid tahay qabiilkii oo weji kale loo soo yeelay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Maamuladaan La Dhisayo Waxaan u Arkaa Qabiilka Oo Shaati Kale Loo Xiray, Somaliland oo aan ka imid beel baa lagu tiriyaa, Puntland, Jubaland, dhamaan waa sidaasi, waxaan u arkaa Federaalkaan inuu yahay mid dalka lagu sii bur burinayo”

Waxa uu sheegay in Federaalkaan uu yahay mid la doonayo in Soomaaliya waligeed aanay ka bixin dood iyo sidoo kale is qab qabsi.

Dhanka kale Professor Saleebaan Yuusuf Cabdi ayaa ku taliyay in dib loo saxo dastuurka dalka, islamarkaana Soomaalida oo dhan ay usoo jeesato in dalka ay wax ka qabtaan kana fogaadaan khilaafka iyo kala qeybsanaanta.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News