U bood dhigaalka

Puntland: 3 Milyan Oo Xoolo Ayaa Laga Tallaalayaa Cudurro Ay Jadeecada Ku Jirto

Sheeko:Dalka

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa wasaaradda xoolaha maamulkaasi u xil-saartay tallaalka malaayiin xoolo ah, kaas oo laga daweyn doono cuduro kala duwan oo ay jadeecadu.

Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Puntland Dr C/rixman Maxamed Xaji ayaa tilmaamay in talaalkan uu faa’ido badan u leeyahay xoolaha madaama ay jiraan xanuun xoolaha ku dhaca, kuawasoo looga dabiibayo tallaal iyo daawayn wada socda.

Dr. Abshir Siciid Yusuf oo ka socday Hay’ada FOA oo iyada barnaamijkaan si gaar ah uga taageerta Puntland wuxuu  sheegay in sanooyinkii  ugu dambeeyay ay talaaleen malaayiin Xoola ah, iyagoo bartilmaamedkoodu yahay Cudurada faafa.

Dr Abshir ayaa xusay in kooxahan Wasaaraddu dirayso in ay talaali doonaan sedex Milyan oo neef, ayna ka talaali doonaan laba cudur oo ah kuwa faafa waxaana xanuunada laga talaalayo xoolaha uu sheegay in ay yihiin jadeecada iyo xanuunada kale ee faafa.

Wasiirka Xananada Xoolaha ee dowlad goboleedka Puntland  C/laahi Shiikh Axmed waxa u dardaaran u jeediyay dhakhaatirta Xananada xoolaha kuna booriyay in loo naxariisto reer guuraaga xilliga ay ku guda jiraan dawaynta xoolaha.

Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha guud ee Soomaalida, iyadoo sanooyinkii u dambeeyay ay dhaceen abaaro saameeyay nolasha xoolo badan oo ay nooli ka heli jireen reer guuraa.

Goobjoog News