U bood dhigaalka

Amniga Waqooyiga Gaalkacyo Oo Soo Hagaagaya

Sheeko:Dalka

Taliska Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaaladda ammaan ee Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Hadalkaan ayaa  Taliyahan sheegay mar Maanta oo Arbaca ah  Saldhigyada Ciidamada Gaalkacyo uu booqasho ku tagay Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska  Gobolka Mudug ee Puntland   CabdiwaaxidCabdulle Warsame  ayaa ugu horreyn ka hadlay  xaaladda saldhigga Magaalada Gaalkacyo.

“Ammaanka magaalada Gaalkacyo aad buu u wanaagsan yahay wax dhib ah oo magaalada ka jirona malahan, waxaana rabaa in dadweynaha aan u caddeeyo warqad ay soo saareen guddiga amniga nimanka ah in aynaan sharci ahayn oo xilka aysan iyaga iga qaadi Karin, amniga Gaalkacyo ayay doonayaan inay qalqal galiyaan cid ka yeeleysana ma jirto” ayuu yiri Taliye Cabdiwaaxid Warsame.

Dhanka kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidanka booliska ay si fiican u shaqeeyaan islamarkaana waayadii dambe la waayay dilalkii iyo qaraxyadii waqooyiga Gaalkacyo ka dhici jirey.

Guddiga amniga ee gobolka Mudug uu u magacaabay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayuu ku eedeeyay inay xasarado ka kicinayaan Gaalkacyo isagoo sheegay in aysan dooneynin nabad ka dhalata magaaladaasi.

Guddigani oo dhowaantan soo saaray wareegto ayaa ku sheegay inay xilkii kaga qaadeen taliyihii qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland Cabiwaaxid Cabdulle Warsame kadib markii ay ku eedeeyeen inuu gudan waayay waajibaadkii taliye qeybeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada