U bood dhigaalka

Puntland: Baarlamaanka Oo Meelmariyey Xeerka La Dagaalanka Daabulka Iyo Ka Ganacsiga Dadka

Sheeko:Dalka

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa meelmariyey xeerka la dagaalanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka.

Xeerkan ayaa ahaa mid horey loogu gudbiyey baarlamaanka Puntland, waxaana akhrin iyo ka doodis kadib la meelmariyey xeerkan.

Guddoomiyaha guddiga shuruucda ee baarlamaanka Puntland, Axmed Jaamac Cabdulle ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid waxbadan looga hortagi doono, wuxuuna sheegay in xeerkaan usoo diyaariyeen si ka fiirsasho leh.

Dhanka kale, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan oo isna goob joog ka ahaa kulankii maanta lagu ansixinayey xeerkan, ayaa xildhibaannada wuxuu uga jawaabay su’aallo ay weydiiyeen, kuwaasi oo ku qotomay xeerkaasi.

Xeerka la dagaalanka daabulka iyo ka ganacsiga dadka ee maanta uu meelmariyey baarlamaanka Puntland ayaa ah mid aad u muhiim ah, islamarkaana deegaannada maamulkaasi ay ka jiraan tahriibinta dadka.

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa ku jira ka doodista iyo meelmarinta sharciyada la horkeenay golaha wakiilada.

Goobjoog News