U bood dhigaalka

Puntland: Biyo Dhaamin Laga Sameeyay Deegaanno Abaar Ka Jirtay

Sheeko:Dalka

Guddiga culimada ah ee u xilsaaran abaaraha ka jira Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey biyo dhaamin ay ka sameeyeen deegaanno badan oo hoostaga gobolka Sanaag.

Guddigan oo saxaafadda kula hadlay degmada Qardho ayaa waxay sheegeen in dadku ay u baahnaayeen gargaarkaan biyo dhaaminta ah.

Sheekh Fu’aad Maxamuud oo ah guddoomiyaha guddiga abaaraha Puntland ayaa sheegay in 95 booyadood ay gaarsiiyeen, islamarkaana dadku ay ahaayeen kuwo sugayey biyaha.

“Waxaa laga yaabaa dadka qeybtood in saxaafadda ay ka arkeen Karkaar ayaa roob ka curtay ama meel heblaayo, dhulka aan marnay roob kama jiro, waxaad arki doontaa sida uu dhulka u gubtay, wadanka abaar adag baa jirta, waxa la geynaya kuma filna, waxaan ugu baaqeynaa umadda Soomaaliyteed dibad iyo gudaba inay ka qeybqaataan gurmadka abaaraha, aad iyo aad bay howsho u adagtahay, dadku maanta ayeey hiil u baahan yihiin, sidaas loo sheegay shirkadaha wadanka ka shaqeynta waa iney ku daydaan shirkadaha wax bixinaya, sidoo kale dadweynaha gudaha iyaguna aad bay isku xil qaameen” ayuu yiri Sheekh Fu’aad.

Abaaraha ka jira deegaannada maamulka Puntland ayaa saameyn xooggan ku yeeshay dadka iyo duunyada, meelaha qaarna ma jirto biyo ay dadku cabaan.

Goobjoog News