U bood dhigaalka

Puntland: Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Kastamka Degmada Xarfo Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland islamarkaana ka gadoodsanaa mushaar la’aan ayaa maanta la wareegay Kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaa saacado halkaasi haystay, waxaana ay diideen in wax dhaq dhaqaaq ah halkaasi laga sameeyo, iyaga oo sheegay iney bilooyin badan ay mushaar la’aan yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi C/laahi C/salaam Xasan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dedaal dheer oo maamulka degmadaasi sameeyay kadib lagu guuleystay in ciidankaasi laga saaro halkii ay qabsadeen.

Waxa uu guddoomiye ku xigeenka meesha ka saaray in ciidamo dheeraad ah oo Puntland ka socda ay halkaasi tageen si ciidankaan gadoodsan ay meesha uga saaraan, balse waxa uu tilmaamay in wada hadal lagu dhameeyay.

“Ciidamo sidaa u badan ma ahayn waxa Kastamka qabsaday, waana lagu guuleystay in halkaasi dib looga saaro, mana ahan sida warka loo buun buuninayo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Bilihii Febraayo iyo Maarso ee sanadkaan 2017-ka, ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo gadood sameeyay ayaa la wareegay xarumo muhiim u ah maamulkaasi, waxayna ciidamadan dhammaantood ka cabanayaan mushaar la’aan.

Goobjoog News